Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Liverpool Oo Hoggaanka U Qabatay Tartanka Loogu Jiro Dheemankii Kulliyadda Ee Arsenal Ee U Guuray Spain

by Abdiwahab Ahmed
January 10, 2023
0
Liverpool Oo Hoggaanka U Qabatay Tartanka Loogu Jiro Dheemankii Kulliyadda Ee Arsenal Ee U Guuray Spain

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa hoggaaminaysa tartanka loogu jiro xiddigii khadka dhexe ee Arsenal ee Yunus Musah oo haddana u dheela Valencia, kaas  oo uu tababare Jurgen Klopp dalbaday in loogu keeno Anfield, si uu qayb uga noqdo xalka mushkiladda ku habsatay kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

ADVERTISEMENT

Musah ayaa kasoo baxay kulliyadda da’yarta Arsenal balse waxa uu ka tegay sannadkii 2019 oo uu u guuray Spain isaga oo ku biiray Valencia oo markiiba usoo dallacsiisay kooxda koowaad iyadoo ay da’diisu tahay 17 jir, waxaana uu goolkiisii koowaad u dhaliyey intii aanu u dabbaal-degin da’da 18 jirka.

Xiddigan khadka dhexe oo ay hadda da’adiisu tahay 20 jir, ayaa ka mid ahaa xulka qaranka Maraykanka ee ka qayb-gelay Koobkii Adduunka ee Qatar, waxaana uu kusoo bilowday dhamaan afartii ciyaarood ee ay dheeleen oo ay ku jirto kulankii England ay barbarraha goolal la’aanta ah galeen.

Jurgen Klopp ayaa la sheegay inuu la dhacsan yahay Yunus Musah oo ka sokow khadka dhexe ka ciyaari kara garbaha weerarka, waxaana uu qorshaha tababaraha reer Germany yahay in uu ka dhigto saxeexa labaad ee bisha January.

Laacibkan oo toddoba sannadood kusoo qaatay Arsenal, ayaa waxa sidoo kale doonaya inuu dib usoo ceshado Mikel Arteta oo si weyn ula dhacsan qaab-ciyaareedka uu laacibkani muujinayo.

Sida uu qoray wargeyska Fichajes ee kasoo baxa Spain, Jurgen Klopp ayaa bartilmaameed ka dhigtay Yunus Musah oo uu u arko ciyaartoy mustaqbalka iyo haddaba kooxdiisa anfcaya.

Valencia ayaa la sheegay in ay ku iibinayso Yunus Musah lacag gaadhaysa £18 milyan oo Gini.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Share366Tweet229
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.