Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Liverpool Oo Hishiis Hordhac Ah La Gaartay Xiddig Khadka Dhexe Oo Koobka Adduunka Ka Ciyaaraya

by Saed Mohamed
December 12, 2022
0
Liverpool Oo Hishiis Hordhac Ah La Gaartay Xiddig Khadka Dhexe Oo Koobka Adduunka Ka Ciyaaraya

Liverpool ayaa lagu waramayaa inay heshiis hordhac ah la gaareen xiddiga khadka dhexe ee Benfica iyo xulka Argentina Enzo Fernandez.

ADVERTISEMENT

Fernandes ayaa isha ay qabatay intii uu socday Koobka Adduunka isagoo gool cajiib ah dhaliyay kulankii Argentina ay 2-0 kaga badisay Mexico wareegii guruubyada.

Burburiyaha khadka dhexe ayaan ku soo bilaabanin labadii kulan ee ugu horeysay wadankiisa ee Koobka Adduunka laakiin wuxuu qeyb ka ahaa shaxda xulka Argentina ee seddexdii kulan ee ku xigtay ee ay ku jirto guushii wareega sideed dhamaadka ee ay ka gaareen Netherlands.

Fernandez ayaa caadiyan ka dheela booska burburiyaha khadka dhexe ee seddex nin ee khadka dhexe, halka uu sidoo kale uu booskaas ka ciyaaro shaxda Benfica ee 4-2-3-1.

ADVERTISEMENT

Waxaa sidoo kale lagu yaqaanaa farsamadiisa iyo awoodiisa baasaska marka loo eego awoodiisa weerar. Waxaa si weyn loo qiimeeyaa boos xirashadiisa iyo ka warqabkiisa taatikada ciyaarta.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Wargeyska Portugal ka soo baxa ee Record iyo wargeyska Isbaanishka ee AS ayaa hoosta ka xariiqay in ciyaaryahanka uu hishiis hordhac ah la gaaray Reds.

Liverpool ayaa muhiimad siineysa saxiixa xiddig khadka dhexe xagaaga soo socda ka dib markii ay seegeen saxiixa Aurelien Tchouameni kaasoo ku biiray Real Madrid, waxay sidoo kale la socdaan xaalada xiddiga khadka dhexe ee Borussia Dortmund Jude Bellingham oo kooxo badan ay ceyrsanayaan.

Fernandez ayaa kaliya Benfica ku soo biiray xagaagii isagoo hishiis 18 milyan euro uga soo wareegay kooxda Argentina ee River Plate.

Kooxda ka dhisan magaalada Lisbon ayaa dul dhigtay xiddigaan lacag gaareysa 106 milyan ginni oo qandaraaskiisa lagu burburin karo.

ADVERTISEMENT
Share353Tweet221
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.