Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Liverpool Oo Guul Kula Soo Laabtay Horyaalka, Shimbirkii Culayska Ka Furtay Ee Isku-Qoray Taariikhda Iyo Reds Oo Soo Yaraysay Farqiga Booska 4aad

by Abdiwahab Ahmed
December 26, 2022
0
Liverpool Oo Guul Kula Soo Laabtay Horyaalka, Shimbirkii Culayska Ka Furtay Ee Isku-Qoray Taariikhda Iyo Reds Oo Soo Yaraysay Farqiga Booska 4aad

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul kula soo noqotay horyaalka Premier League, waxaanay saddex dhibcood oo muhiim ah kasoo xoogtay Aston Villa, kula isku rafaaday oo tababare Jurgen Klopp uu wadnaha farta ku hayay illaa uu shimbirka culayska ka dejinayaa u imanayay dhamaadka ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsan tahay

ADVERTISEMENT

Liverpool ayaa qaybtii hore la timid laba gool oo ay kala dhaliyeen Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk, waxaana mid saddexaad ku daray xiddig da’da yar ee Stefan Bajcetic oo laba daqiiqadood oo kaliya isaga oo garoonka ku jiray saxeexay gool qurux badan.

Bajcetic.jpg11

Aston Villa ayaa ciyaar tayadeedu sarrayso soo bandhigtay qaybtii labaad oo uu hal gool u dhaliyey Watkins oo madax kaga awood roonaaday difaacyahannada dhererka ku faana ee Van Dijk iyo Matip.

ADVERTISEMENT

Jurgen Klopp oo ay kooxdiisu inta badan ciyaarta maamulaysay, ayaa daqiiqaddii shanaad gool kaga naxsatay Aston Villa oo uu khalkhal geliyey dhaawac soo gaadhay Mings. Kubbad uu Arnol khadka dhexe kasoo tuuray ayaa waxa lugta uu u geliyey Andy Robertson oo isaguna goolka u hordhigay Mohamed Salah oo si xarrago leh u dhamaystiray.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Baily ayaa ka khasaariyey Aston Villa fursaddii ay goolka barbarraha ku keeni lahaayeen. Buendia ayaa dhinaca bidix kasoo tuuray kubbad uu madax qaldan ku qabtay Matip balse uu helay Watikins oo uu uga sii dambeeyey Baily oo khasaariyey kubadda, waxaana si fudud u badbaadiyey Alisson.

Liverpool ayaa gool labaad dhalisay daqiiqaddii 21aad, waxaana kubbad uu soo qaaday Alexander-Arnold madax ku dhamaystiray Joel Matip, hase yeeshee garsooraha ayaa markiiba arkay calanka dhinaca ka taagan ee u sheegaya in uu difaaca reer Cameroon ku jiray offside.

Darwin Nunez ayaa khasaariyey fursad cajiib ahayd iyadoo kubbad difaacayahannada soo dhaaftay oo sarraysay uu ku liishaamay darbad awood badan intii aanay dhulka taaban, isaga oo awoodi karayay inuu dejiyo maadaama uu kalidii ahaa. Goolhaye Olsen ayaa lugta u dhigay oo badbaadiyey kubaddaas.

Nunez

ADVERTISEMENT

Virgil van Dijk ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 kaddib markii uu kubbad fooli ah ku hubsaday shabaqa, taas oo ahayd koorne uu soo tuuray Alexander-Arnold balse uu Digne awoodi waayey inuu iska saaro. Salah ayaa kubbadda u dhiibay Van Dijk oo si qurux badan u dhamaystiray.

Qaybta labaad markii lagu soo noqday ayay Aston Villa dardar xooggan kusoo gashay, waxaanay qabsadeen khadka dhexe iyadoo tababare Unai Emery uu khibrad tababare dheelay.

Watkins ayaa baas qurux badan oo uu ka helay Luiz waxa uu kala dhex baxay difaaca Liverpool, ka hor intii aanu weydaarin Alisson, hase yeeshee lama xisaabin goolkaas waxaana lagu qaaday offside.

Daqiiqaddii 59aad ayay Aston Villa la timid gool uu madax ugu dhaliyey Watkins iyadoo Van Dijk iyo Matip ay daawanayaan, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay 2-1.

Darwin Nunez ayaa khasaariyey fursad kale oo Liverpool uu culays badan kaga degi lahaa. Kubbad uu difaacyahannada kala dheereeyey ayuu ula tegay goolhaye Olsen oo uu dhinac ka dhigay, balse waxa uu garab mariyey birta.

Bajcetic.jpg1

18 jirka Bajcetic oo beddelay Jordan Henderson ayaa Liverpool u noqday shimbirkii ciyaarta, waxaana kubbad uu ka boobay xerada ganaaxa Aston Villa uu weydaariyey goolhaye Olsen, waxaana uu ciyaarta ka dhigay 3-1.

Bajcetic oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Liverpool ayaa dhashay sannadkii 2004, waxaana uu isku qoray taariikhda kooxdiisaga oo noqday ciyaartoygii labaad ee ugu da’da yaraa ee Spanish ah ee gool ka dhaliya horyaalka Premier League.

Stefan Bajcetic ayaa jira 18 sannadood iyo 65 maalmood, waxaana ka horreeyey oo uu ku xigi doonaa Cesc Fabregas oo sannadkii 2004 gool u dhaliyey Arsenal iyadoo ay da’diisu ahayd 17 sannadood 113 maalmood jir.

2 – Liverpool’s Stefan Bajcetic (18y 65d) has become the second youngest Spanish scorer in the Premier League after Cesc Fàbregas for Arsenal against Blackburn in August 2004 (17y 113d). Entrance. pic.twitter.com/dWouSnHDWa

— OptaJoe (@OptaJoe) December 26, 2022

Guusha Liverpool ayaa ka dhigan inay kusoo dhowaadeen kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, waxaanay shan dhibcood u jiraan Tottenham oo haysata 30 dhibcood, kuna jirta afraad.

Share284Tweet177
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.