Liverpool ayaa soo gabagabeyneysa ceyrsashadeeda saxiixa Kylian Mbappe iyadoo kooxda ay u dhaqaaqeyso bartilmaameedyo kale marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
Kooxda Jurgen Klopp ayaa si joogta ah loola xiriirinayay xiddiga Paris Saint-Germain inkastoo uu 85 milyan ginni kula soo wareegay weeraryahanka Uruguay Darwin Nunez.
Nunez ayaa Reds uga soo biiray Benfica xagaagii, wuxuuna dhaliyay shan gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.
Liverpool ayaa ku bilaabatay xilli ciyaareedka horyaalka sidii ugu xumeyd muddo 10 sannadood ah, waxayna doonayaan inay adkeeyaan khadkooda dhexe bedelkii ay weeraryahan kale la soo wareegi lahaayeen.
Wargeyska The Athletic ayaa sheegaya in inkastoo Liverpool ay xiiseyneysay Mbappe inay haatan diiradooda u weecinayaan maalgashiga khadkooda dhexe.
Ka hor inta uusan xilli ciyaareedka bilaabanin bishii Agoosto Jurgen Klopp ayaa sheegay in kooxdiisa aysan u baahneyn ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah.
Laakiin ugu danbeyn maankiisa wuu bedelay isagoo yiri: “Bilowgii xilli ciyaareedka waan ka wada hadalnay arintaan, aniga ayaana iri uma baahnin xiddig khadka dhexe ah, waad saxneydeen aniguna waan qaldanaa”