Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dalab ka gudbisay xiddig hore ugu ciyaari jiray Arsenal oo ku fashilmay inuu la qabsado, kaas oo tababare Jurgen Klopp uu doonayo inuu keeno Anfield suuqa bisha January ee foodda inagu soo haya ama midka xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedka.
Jurgen Klopp oo kooxdiisu ay dhibaatooyin badan la kulantay xilli ciyaareedkan, isla markaana xiddigo badan dhaawacyo kaga maqnaayeen ayaa waxa la filayaa in dhamaadka xilli ciyaareedka ay si xor ah uga tegi doonaan Oxlade-Chamberlain iyo Naby Keita, iyadoo sidoo kalena uu qandaraaskiisu dhamaanayo James Milner oo ay da’diisu sii weynaanayso.
Red ayaa raadinaysa ciyaartooyo khadka dhexe ah oo u beddela xiddigahan baxaya, waxaana ay liiskeeda ku darsatay oo ay waliba dalab €16 milyan oo Gini ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara AC Milan ee Ismael Bennacer, sida uu ku warrayo wargeyska Corriere dello Sport.
Bennacer oo Arsenal usoo ciyaaray intii u dhaxaysay 2015 illaa 2017, balse uga wareegay Emboli shan sannadood iyo badh isaga oo kaliya hal ciyaar oo kooxda koowaad ah ay ugu jirto rikoodhka Arsenal, ayaa waxa uu sannadihii ugu dambeeyey ciyaartoy muhiim ah ka ahaa AC Milan oo 126 ciyaarood oo uu u saftay u dhaliyey afar gool, siddeed kalena caawiyey.
Sannadkii 2019 ayay Milan la saxeexatay Bennacer waxaana qandaraaskiisa oo ay ka hadhsan yihiin 19 sannadood ay Milan ku dedaalaysaa inay cusboonaysiiso, hase yeeshee Liverpool ayaa doonaysa inay kasoo xoogto laacibkan.
Thiago Alcantara oo 32 jir ah iyo Jordan Hendereson oo 31 jir ah ayaa ku riixaya Klopp inuu raadiyo ciyaartooyo khadka dhexe ah maadaama ay laacibiintan da’doodu weynaanayso, sidoo kalena Keita, Chamberlain iyo Milner ay baxayaan. Waxa kale oo xilli ciyaareedkan aad u liita Fabinho.