Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Liverpool Oo Doonaysa Xiddigii Juventus Ee Hore Iskaga Diiday, Xilli Shaki La Gelinayo Mustaqbalka Kylian Mbappe

by Abdiwahab Ahmed
January 25, 2023
0
Liverpool Oo Doonaysa Xiddigii Juventus Ee Hore Iskaga Diiday, Xilli Shaki La Gelinayo Mustaqbalka Kylian Mbappe

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa doonaysa inay la saxeexato ciyaartoy hore iskaga diiday inuu yimaaddo Anfield oo ku sugan Juventus, kaas oo ay Reds u aragto inuu yahay ciyaartoyga ugu habboon ee u beddelaya Mohamed Salah oo shaki la gelinayo mustaqbalkiisa inkasta oo uu dhowaan saxeexay heshiis cusub.

ADVERTISEMENT

Jurgen Klopp ayaa rajaynaya in kooxdiisa lagu sameeyo dibu-dhis weyn suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, si ay mar kale u noqon karaan koox ku tartami karta horyaalka Premier League.

Liverpool oo kaalinta sagaalaad kaga jirta miiska kala-sarraynta Premier League, isla markaana 21 dhibcood ka dambaysa Arsenal oo hoggaanka hays, ayaa quus ka taagan xilli ciyaareedkan, waxaana xataa sii lumaysa fursadda ay kusoo gaadhi karayaan kaalinta afraad.

Inkasta oo lala xidhiidhinayo ciyaartoyda khadka dhexe ee Jude Bellingham iyo Enzo Fernandez, haddana wxa la sheegay in Liverpool ay u dhaqaaqayso saxeexa xiddiga Juventus iyo xulka Talyaaniga ee Federico Chiesa oo la rumaysan yahay in helistiisu ay u fududdahay Jurgen Klopp marka laga eego dhinaca lacagta iyo in ciyaartoyda waaweyn ay waqtigan ka cararayaan Old Lady kaddib fadeexadda sababtay in 15 dhibcood laga jaro toddobaadkii hore.

ADVERTISEMENT

Chiessa oo sannadkii 2020 iska diiday Liverpool oo si aad ah u doonaysay kaddib wacdarihii uu ka dhigay garoomada, ayaa sida uu qoray wargeyska Calcio Mercato waxay Liverpool diyaarisay dalab £53 milyan oo Gini ah oo ka gudbinayso 25 jirkan oo kasoo kabanaya dhaawac uu muddo dheer u jiifay.

Lacagta ayaa la sheegay in ay gaadhi karto illaa £60 milyan oo Gini, waxaana si fudud ku aqbali doonta Juventus oo baahi lacageed ay hayso, sida uu wargeysku qoray.

Dhinaca kale, Caliomercato ayaa xusay in Liverpool ay suurtogal tahay inuu ka tago xiddiga Masar ee Mohamed Salah oo lala xidhiidhinayo PSG oo ku doonaysa £70 milyan oo Gini.

Salah oo xilli ciyaareedkan ku dhibaatoonaya garoomada, qaybna ka ah hoos u dhaca ku yimid kooxdiisa ayaa uu warku sheegay in aanu sugnayn mustaqbalkiisa Anfield, sidaas darteedna uu Jurgen Klopp sii diyaarsanayo beddelkiisa.

ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

February 6, 2023
Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

February 6, 2023
Share323Tweet202
ADVERTISEMENT

Related Posts

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

Xiddigii Chelsea Oo Meydkiisa Laga Raadinayo Dhismeyaasha Dhul-gariirku Burburiyey Ee Turkiga

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Musiibo weyyn ayaa ku habsatay waddanka Turkiga oo dhul-gariir weyn oo ka dhacay ay ku dhinteen dad tiradooda sare loo...

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

Nin Xubin Ka Ah Arsenal Oo Gudoomiye Looga Dhigay Guddiga Baaraya Man City Ee Go’aaminaya Ciqaabtooda

by Saed Mohamed
February 6, 2023
0

Xubin ka tirsan Arsenal ayaa gudoomiye u noqonaya guddiga madaxa banaanka ee loo xilsaaray eedeymaha loo heysto Manchester City ee...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.