Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Liverpool Oo Dhulka La Jiiday, Konate & Van Dijk Oo Qayb Ka Qaatay Gumaadka Kooxdooda Iyo Jurgen Klopp Oo Xilli Hore Is-dhiibay

by Abdiwahab Ahmed
January 2, 2023
0
Liverpool Oo Dhulka La Jiiday, Konate & Van Dijk Oo Qayb Ka Qaatay Gumaadka Kooxdooda Iyo Jurgen Klopp Oo Xilli Hore Is-dhiibay

Kooxda kubadda cagta Brentford ayaa guul-darro xanuun kulul u xambaarisay Liverpool oo ay kusoo garaacday magaalada London, halkaas oo ay ugu soo dhiibtay 3-1 kulan ay Reds ku ceebowday oo gol-daloolooyin badan oo ay leedahay bannaanka yimaaddeen. Guusha Brenford ayaa ahayd libintii ugu horreysay ee ay ka gaadhaan Liverpool tan iyo sannadkii 1938kii.

ADVERTISEMENT

Saddex gool oo midka koowaad uu iska dhaliyey Ibrahima Konate iyo laba ay ku dareen Wissa iyo Mbuema ayaa Brentford siiyey guul ay ku raaxaysatay, halka Liverpool oo khalkhal badan ka muuqday ay kaliya hal gool oo qaybta labaad ah la timid.

Liverpool ayaa iska lumisay fursad ay ku iman lahayd kaalinta shanaad ee miiska kala-sarraynta sidoo kalena ay kusoo yarayn lahayd farqiga kaalinta afraad ayaa waxay hadda ku negaatay booska lixaad halka Brentford ay soo dallacday oo ay laba dhibcood oo kaliya ka hoosayso Liverpool.  Mbuema

Brentford ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dardar leh, waxaanay daqiiqadihii ugu horreeyey Liverpool ku qaadday weerar sabab u noqday in uu Harvey Elliott qaato kaadh digniin ah oo ku qasbay inuu is-dejiyo illaa uu gaadhay heer uu muuqan waayay.

ADVERTISEMENT

Mohamed Salah iyo Nunez ayaa sameeyey fursaddii ugu horreysay ee ciyaarta, waxaana kubbad uu xiddiga Masar ka keenay dhinaca bidix ay u tagtay Nunez oo khasaariyey fursaddaas.

Sidoo Kale Akhri

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023
Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023

lcimg 922af9b9 e34c 4f92 a7a4 1dc02302bf16

Mbeumo ayaa khasaariyey fursad dahabi ahayd, kaddib weerar degdeg ah oo ay kooxdiisu soo qaadday oo kubbadda loogu soo tuuray meel cidlo ah oo dhinaca midig ah, waxaana badbaadiyey goolhaye Alisson, xilli uu Virgil van Dijk si dhib badan kusoo gaadhay, waxaanay kubaddaasi u baxday koorne.

Brentford ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 19aad, kaddib markii uu Ibrahima Konate iska dhaliyey koonre lasoo lagu soo laaday kooxdiisa. Kubbad uu doonayey inuu difaaco ayaa kaga dhacday jilibka, waxaanay sidaas ku gashay goolkiisa.

Tsimkas ayaa fursad gool loo qaatay ka lumiyey kooxdiisa laba daqiiqadood kaddib goolka a ay Brentford la hormartay. Kubbad uu cidhib ugu dhiibay Oxlade-Chamerlain oo meel cidlo ah uu ka helay ayuu Tsimikas darbad xooggan ku toogtay goolka oo dhawr tallaabo u jiray, waxaase badbaadiyey goolhaye Raya.

ADVERTISEMENT

Laba gool oo isku-xigay ayaa uu Brentford u dhaaliyey xiddiga reer France ee Wissa, waxaase labadaba lagu qaaday offside, taas oo ku noqotay kooxdiisa madax-xanuun.

Wissa

Hase yeeshee saddex daqiiqadood ka hor dhamaadka qaybta hore ayuu Wissa madax ku dhaliyey gool aanu muran ku jirin, waxaana qaybta hore lagu kala nastay 2-0 ay kooxda reer London ee martida loo ahaa hoggaanka ciyaartay ku haysay.

Tababare Jurgen Klopp ayaa saddex beddel sameeyey ka hor intii aan lagu soo laaban qaybta hore, waxaana uu soo geliyey Naby Keita, Naby Keita iyo Andy Robertson, isaga oo saaray Van Dijk, Elliott iyo Tsimikas.

Saddex daqiiqadood oo kaliya markii ay qaybta labaad socotaya ayuu Darwin Nunez u dhaliyey Liverpool gool qurux badan oo uu kubadda lugta bidix kaga dul-qaaday goolhaye Raya, taas oo uu si weyn ugu dabbaal-degay, laakiin VAR ayaa ka daba timid oo meesha ka saartay goolkaas, kaddib markii lagu helay inuu offside kujiray.

Darwin .

Oxlade-Chamberlain ayaa daqiiqaddii 50aad gool madi ah oo aan waxba tarin u dhaliyey Liverpool, waxayna filayeen in ay soo laaban doonaan oo ay keeni doonaan gool labaad.

Mohamed Salah, Darwin Nunez iyo Thiago Alcantara ayaa fursado fiican ka khasaariyey kooxdooda Liverpool, kuwas oo haddii ay dhamaystiri lahaayeen ay dib ugu soo noqon lahaayeen ciyaarta.

Xiddiga reer Cameroon ee Mbeumo ayaa rajo la’aan ka dhigay Liverpool daqiiqaddii 84aad, kaddib markii uu kubbad ka xoogay Ibrahima Konate oo ay u ahayd habeen murugo leh. Goolkan ayaa laga soo hubiyey VAR maadaama ciyaartoyda Liverpool ku doodeen in qalad lagu galay Konate balse waxa soo baxday in la cidhiidhiyey oo aan wax qalad ah lagu gelin.

Klopp p

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday Brentford oo yeelatay 26 dhibcood soona gashay kaalinta toddobaad ee miiska kala-sarraynta Premier League, halka Liverpool ay fadhido booska lixaad oo ay iska lumisay fursad ay ku iman lahayd kaalinta shanaad.

Share352Tweet220
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.