Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa sii wadda hawlgalka ay isku xoojinayso bisha January, waxaanay u dhaqaaqeen saxeexa khad dhexe oo adag saacado kaddib markii ay xaqiijisteen saxeexa Cody Gakpo oo ay kala soo wareegayaan PSV Eindhoven,.
Reds ayaa xalay dhamaystirtay heshiiska Gakpo oo muddo lix sannadood ah saxeexay, waxaana heshiiska si rasmi ah ugu dhawaaqday PSV oo sheegtay in 23 jirkani uu jabiyey rikoodhkii iibka ee kooxda.
Weeraryahanka reer Netherlands ayaa Anfield joogi doona illaa inta laga gaadhayo sannadka 2028 sida uu dhigayo heshiiskiisa hadda, balse waa laga sii kordhin karaa haddii dhinacyadu isla qaataan, waanay dhici kartaa in xilligaas ka hor uu ka tago kooxda.
Gakpo ayaa noqon doona xalka dhibaatada afka hore, laakiin waxay wali Liverpool mushkilad weyni ka haysataa khadka dhexe oo ah meelaha ay aadka uga liigayeen ee sababta u ah in ay kaalinta lixaad kaga jiraan miiska kala-sarraynta Premier League.
Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Giannis Chorianopoulos, Liverpool ayaa wada-hadallo la bilowday ciyaartoy khad adhexe ah oo aan ahayn Jude Bellingham oo ah laacibka sida weyn loola xidhiidhinayay iyo sidoo kale khadka dhexe ee reer Argentina ee Enzo Fernandez.
Giannis Chorianopoulos waxa uu sheegay in Liverpool ay wada-hadallo la bilowday xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Fiorentina iyo xulka qaranka Morocco ee Sofyan Amrabat oo wacdaro ak d higay Koobkii Adduunka.
Wargeyska Corriere dello Sport ee isaguna kasoo baxa Talyaaniga ayaa sheegay, in Liverpool ay wada-hadallo rasmi ah la bilowday wakiillada Amrabat oo 26 jir ah, kaas oo ay u arkaan inay si fudud ku heli karayaan bisha January marka loo eego Jude Bellingham iyo Enzo Fernandez oo lacago waali ah ay dalbanayaan kooxahoodu.
Amrabat oo ahaa sirta Morocco ee soo gaadhay wareegga siddeedda Koobka Adduunka ayaa la rumaysan yahay in kaliya lagu heli karayo 22 milyan oo Euro.