Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa u dhaqaaqday saxeexa difaac midig oo uu Jurgen Klopp doonayo inuu beddelo Trent Alexander-Arnold oo aad loo dhalleecaynayo qaab-ciyaareedkiisa muddooyinkii ugu dambeeyey, waxaanu qayb ka yahay xiddigaha sababta u ah hoos u dhaca kooxdiisa.
Liverpool ayaa ku jirta xilli ciyaareedkeedii ugu xumaa muddo sannado ah, waxaanay ku jiraan kaalinta lixaad iyaga oo 16 dhibcood ka hooseeya Arsenal oo hoggaanka horyaalka Premier League haysa.
17 ciyaarood oo horyaalka ah oo ay Liverpool dheeshay ayaa laga badiyey shan ka mid ah, waana in ka badan guul-darrooyinkii ay la kulmeen saddex ka mid ah afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey.
Dhaawacyo tiro badan iyo ciyaartooyo muhiim ah oo lumiyey qaab-ciyaareedkooda ayaa loo nisbaynayaa in ay arrintan sabab u yihiin, laakiin waxa aan la dafiri karin in bixitaankii Sadio Mane ay dhabarka ka jabisay Reds.
Jurgen Klopp ayaa la sheegay in uu hadda doonayo inuu kooxdiisa ka xoojiyo difaaca midig, isla markaana helo ciyaartoy tayadiisu sarrayso oo la tartami kara Alexander-Arnold oo aad loo saluugsan yahay.
23 jirkan oo in ka badan toban gool caawiyey xilli ciyaareed kasta afartii sannadood ee ugu dambeeyey, ayaa waxa xilli ciyaareedkan iska waayey caawintii iyo dhlintii intaba, waxaana uu sidoo kale ku dhibaatoonayaa difaaca.
Sida uu maanta qoray wargeyska A Sport ee kasoo baxa waddanka Turkey, Liverpool ayaa waxay doonaysaa inay la saxeexato difaaca midig ee kooxda Galatasaray ee Sacha Boey oo sidoo kalena lala xidhiidhinayo Crystal Palace.
Boey oo u dhashay waddanka Faransiiska ayaa qiimihiisa lagu sheegay £17 milyan oo Gini, waana 22 jir ay Galatasaray xagaagii hore kaliya £1 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Rennes.