Liverpool ayaa xaqiijisay inay samayn doonto baadhitaan la xidhiidha dhacdadii ceebta ahayd ee xalay ee Etihad Stadium halkaas oo saxaafaddu ay xilli dambe ogaatay in lagu dhibaateeyey carruur iyo dad curyaamiin ah, xilli Reds ay guul-darro soo gaadhay oo ay ka hadheen tartanka Carabao Cup.
Kooxda koobka difaacanaysa ee Liverpool ayaa lagaga adkaaday 3-2 iyadoo City ay sidaas ugu gudubtay wareegga siddeedda oo uu Pep Guardiola usii marayo riyadiisa ah in xilli ciyaareedkan uu isku darsado koobabka laga ciyaaro England iyo sidoo kale Champions League oo ah hammigiisa ugu weyn.
Intii ay ciyaartu socotay waxa garoonka ka dhacay dhawr qas oo sababay in labada kooxood ay jawaabo ka bixiyaan waxaana midda hore ay ahayd in la aflagaaddeeyey taageereyaan laxaadkoodu dhiman yahay oo garoonka joogay, kuwaas oo ka sokow aflagaaddada xataa loo geystay waxyeello.
Liverpool ayaa la tagtay garoonka Etihad Stadium tiro taageereyaal laxaadkoodu dhiman yahay, waxaana aflagaaddeeyey jamaahiirta Man City ee martida loo ahaa. Sidoo kale,
Gabadh 15 jir ah oo aanu laxaadkeedu dhamayn ayaa wax ku dhacay walax laga soo tuuray dhinaca taageereyaasha Liverpool, waxaana gabadhan soo gaadhay dhaawac, sida uu sheegay booliska Greater Manchester Police.
Booliska oo adeegsanaya muuqaalladii kaamirooyinka ee garoonka ee qarsoonaa ayaa sheegay in walaxda la soo tuuray ay si toos ah ugu dhacday gabadhan, isla markaana soo gaadhay dhaawac balse gudaha garoonka lagu daaweeyey.
Man City ayaa iyaduna dhinaceeda sheegtay inay ka go’an tahay inay la shaqayso booliska, isla markaana ay siiyeen muuqaallada kaamirooyinka ku xidhnaa garoonka ee CCTV isla xalayba, si loo aqoonsado taageereyaasha dhibaatada sameeyey.