Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Liverpool iyo Arsenal Oo Ku Tartamaya Saxeexa 19 Jirka Reer Spain Ee Lagu Tilmaamo ‘Pedri-ga Cusub’

by Abdiwahab Ahmed
January 7, 2023
0
Liverpool iyo Arsenal Oo Ku Tartamaya Saxeexa 19 Jirka Reer Spain Ee Lagu Tilmaamo ‘Pedri-ga Cusub’

Kooxaha horyaalka Premier League ee Liverpool iyo Arsenal ayaa ku dagaallamaya xiddig da’yar oo reer Spain ah oo lagu tilmaamo inuu qaab-ciyaareedkiisa oo kale leeyahay kubbad-sameeyaha Barcelona ee Pedri, kaas oo ay Jurgen Klopp iyo Mikel Arteta uga gacan haadinayaan naadiyadooda.

ADVERTISEMENT

Ciyaartoygan oo lagu naanayso Pedri-ga cusub, ayaa u ciyaara kooxda reer Spain ee Las Palmas oo uu sannadkii hore kooxdeeda koowaad usoo dallacay, waxaana uu u saftay 22 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u sameeyey shan caawimood.

Alberto Moleiro,oo 19 jir ah ayaa waxa indhaha kooxaha waaweyn aad usoo jiitay bandhigga uu ka sameeyey Canary Islands, waxaana ay qaab ciyaareedka isku mid ka yihiin da’yarka Barcelona ee Pedri, waxaana labadan ciyaartoy marar dhawr ah isbarbar-dhig ku sameeyey saxaafadda Spain.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa Ingiriiska, Liverpool iyo Arsenal ayaa ku tartamaya saxeexa Alberto Moleiro, balse kalidood ma aha, waxaana iyaguna doonaya naadiyada Aston Villa iyo Real Madrid.

ADVERTISEMENT

Liverpool oo ku jirta xilli ciyaareed murugo leh oo Isniintii ay Brentford 3-1 kusoo karbaashtay, isla markaana 16 dhibcood ka dambaysa Arsenal oo hoggaanka haysa, ayaa waxay doonaysaa inay khadkeeda dhexe ee liigaya kusoo kordhiso Alberto Moleiro suuqa bishan January.

Sidoo Kale Akhri

“Waxa Jiray Laba Fadeexadood Oo….” – Mikel Arteta Oo Cadhadiisa Banaanka Keenay Kaddib Barbardhacii Newcastle United

Arsenal Oo Markale Weerar Suuqa Ah Ku Qaadaysa Brighton & Xiddiga Aan Caicedo Ahayn Ee Ay Ka Rabaan

February 7, 2023
WAR BUUXA: Frankie De Jong Oo Go’aankii Mudada Laga Sugayay U Sheegay Ten Hag & Haddii Uu Man United Kusoo Biirayo

Saaxiibta Frankie De Jong Oo Madfac Ku Riday Taageerayaasha Man United Ee Saxeexa Jacaylkeeda Doonaya

February 7, 2023

Alberto Moleiro ayaa qandaraaska uu kula jiro Las Palmas waxa uu dhacayaa sannadka 2016, hase yeeshee naadigaas oo ay saamaysay dhaqaal-xumada ku habsatay dunida ayaa ogolaanaysa inay iibiso.

Moleiro ayaa la filayaa inuu kusoo bilowdo ciyaarta Sabtida maanta ay Las Palmas ku martigelin doonto Racing de Santander oo ay horyaalka heerka labaad ee Spain ka wada dheelaan, waxaana haddii ay guuleystaan ay afar dhibcood oo nadiif ah ka sarrayn doonaan Eibar oo kaalinta  labaad fadhida.

ADVERTISEMENT
Share325Tweet203
ADVERTISEMENT

Related Posts

“Waxa Jiray Laba Fadeexadood Oo….” – Mikel Arteta Oo Cadhadiisa Banaanka Keenay Kaddib Barbardhacii Newcastle United

Arsenal Oo Markale Weerar Suuqa Ah Ku Qaadaysa Brighton & Xiddiga Aan Caicedo Ahayn Ee Ay Ka Rabaan

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Arsenal ayay macquul tahay inay markale xiddig muhiim ah ka dalbato Brighton iyadoo markan diiradeedu haysyo garabka weerar ee Kaoru...

WAR BUUXA: Frankie De Jong Oo Go’aankii Mudada Laga Sugayay U Sheegay Ten Hag & Haddii Uu Man United Kusoo Biirayo

Saaxiibta Frankie De Jong Oo Madfac Ku Riday Taageerayaasha Man United Ee Saxeexa Jacaylkeeda Doonaya

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Saaxiibta khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frankie De Jong ayaa markeeda ka qayb qaadatay wararka jacaylkeeda sida joogtada ah...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.