Liverpool, Chelsea iyo Arsenal ayaa xiisaynaysa khadka dhexe ee Valencia iyo Maraykanka ee Yunus Musah. (90min)
Borussia Dortmund ayaa diyaar u ah inay Jude Bellingham xagaaga dambe ku iibiso 100 ilaa 150 Milyan oo euro. (Sky Sports)
Paris St-Germain madaxweynaheeda Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay in Bellingham koox kastaa saxeexiisa doonayso isla markaana ay kooxdoodu ugu horreyn doonto haddii ay go’aansato. (Sky Sports)
Ronaldo wali wax go’aan ah kama gaadhin haddii uu ku biirayo kooxda Saudi-ga ah ee Al-Nassr. (ESPN)
Tottenham ayaa ah kooxda ugu cad cad saxeexa khadka dhexe ee Franck Kessie oo ka tirsan Barcelona. (Sport)
David Moyes ayaa laga caydhin karaa West Ham xilli uu xumaaday xidhiidhka kala dhaxeeya ninka qaybta ku leh kooxdaas ee David Sullivan. (Football Insider)
James Maddison iyo Youri Tielemans ayaa lala xidhiidhinayay inay Leicester City ka tagaan balse Foxes diyaar uma aha inay midkoodna January iibiso. (Leicestershire Live)
Real Madrid ayaa Chelsea ku garaacaysa saxeexa 16 sano jirka Palmeiras ee Endrick oo 2024 kusoo biiri kara. (UOL Sport – in Portuguese)
Marco Verratti heshiis kordhin ayuu u saxeexayaa kooxdiisa Paris St-Germain. (Fabrizio Romano)
Aston Villa ayaa suuqa January loosoo bandhigayaa saxeexa daafaca dhexe ee Leicester City ee Jannik Vestergaard.(Football Insider)
Arsenal meesha kama saarin inay amaahda kasoo celiso weeraryahan Folarin Balogun oo kooxda Reims wacdarro ku dhigaya xilli uu Gunners ka dhaawacmay Gabriel Jesus. (90 Min)