Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa sharraxaad ka bixiyey sabbabta aanu illaa hadda u ciyaarsiinin Paulo Dybala Koobka Adduunka ee ka socda waddanka Qatar.
Paulo Dybala oo xilli ciyaareed fiican ku qaadanaya AS Roma oo uu si xor ah ugu biiray xagaagii markii uu ka tegay Juventus ayaa looga yeedhay xulka qaranka Argentian maarkii 12 ciyaarood gudahood uu ku dhaliyey toddoba gool iyo laba cawimood oo uu ku daray.
Maalmo ka hor intii aanu Lionel Scaloni shaacin xulka qarankiisa ayaa waxa Paulo Dybala soo gaadhay dhaawac muruqa ah oo mar shaki geliyey inuu taam noqonayo, balse waxa uu dib tababarka ugu soo laabtay ka hor intii aanay ciyaartoyda Argentina u duulin Qatar.
29 jirkan ayaa waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda Argentina ee aan wali kasoo muuqanin Koobka Adduunka ee kursiga kaydka ku jira, waxaanay taasi keentay in taageereyaal badan ay barta bulshada ee Twitter-ka kusoo bandhigaan sida ay uga xun yihiin qaabka uu tababare Scaloni ula dhaqmayo laacibkan.
Shirkii jaraa’id ee maanta ee ka hor ciyaarta berri ee Netherlands ayaa Sacaloni lagu weydiiyey sababta uu u ciyaarsiin la’yahay Paulo Dybala, waxaana uu ku jawaabay: “Dubala ma ciyaarin sababtii ah iima aanay muuqanin marxalad uu ku ciyaari karayo. Wuu fiican yahay oo waa taam, waxa uu qayb ka noqon karaa shaxda koowaad, laakiin kulamadii aanu ciyaarnay ma aanu helin fursad, iimana muuqan xaalad aan ku ciyaarsiiyo.”
Si kastaba ha ahaatee, tababare Scaloni ayaan sharrixin waxa ay tahay xaaladda u diidday in uu ciyaarsiiyo ee ay ahayd inay u muuqato.