Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Lionel Messi vs Diego Maradona: Xogta Uga Diiwaangashan Koobka Adduunka & Midkooda Wanaagsan

by Abdiwahab Ahmed
November 26, 2022
0
Lionel Messi vs Diego Maradona: Xogta Uga Diiwaangashan Koobka Adduunka & Midkooda Wanaagsan

Lionel Messi waxa intii uu garoomada ku jiray uu dhibbane u ahaa barbar-dhig joogto ah oo tallaabada uu qaadaba lagu masaalayey ama lagu barbar-dhigayay Diego Maradona, xaaladduna waxa ay isbeddeshaa marka uu Koobka Adduunka tago.

ADVERTISEMENT

Xiddiga toddobada jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or waxa loo aqoonsan yahay inuu yahay ciyaartoyga goolasha ugu badan dhaliyey sannad gudihii horyaallada waaweyn ee Yurub, sidoo kalena waxa uu aad uga badan yahay Diego Maradona dhinaca gool-dhalinta iyo abaal-marinnnada shaqsiga ah, balse mucjisooyinkii uu Maradona ka dhigay Koobka Adduunka ayaa dabar ku ah Lionel Messi.

Toddobaadkii hore waxay Argentina soo gabogabaysay 36 ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo aan laga badin, waxaana si xun u bahdilay Sucuudiga oo 2-1 ku garaacay iyadoo Lionel Messi iyo xiddigaha waaweyn ee Argentina uu shaki galay awooddooda ay ugu guuleysan karayaan Koobka Adduunka ee aadka loogu saadaalinayo.

Midkee ku wanaagsanaa Koobka Adduunka: Messi & Maradona?

Diego Maradona kama go’i doono quluubta reer Argentina, waxaana xataa isaga oo geeriyooday uu u yahay halyey aanay jirin cid la mid ah oo soo martay. Sannadkii 1986kii ayuu u qaaday Koobka Adduunka, isaga oo waliba sameeyey mucjisooyin waaweyn, sida goolkii uu gacanta kaga dhaliyey Ingiriiska iyo goysmooyinkii uu ku tiriyey inta badan ciyaartoyda.

ADVERTISEMENT
Lionel Messi oo sababaha loo barbar-dhigo Maradona ay ka mid tahay inay isku mid ka yihiin lugta bidix ee ay ku dheelaan, gaabnida, qaabka dhaqaaqa iyo waxyaabo badan oo xirfadda kubadda cagta, waxa uu dalkiisa usoo ciyaaray afar koob adduun oo hore oo ahaa 2006, 2010, 2014, 2018 iyo hadda oo 2022 uu u socdo, ahna markii ugu dambaysay ee uu tartankan ciyaaro.

Sannadkii 2014 ayuu Lionel Messi dalkiisa keenay finalka Koobka Adduunka, waxaana ciyaartii ugu dambaysay ee finalka ka adkaaday Jarmalka oo gool madi ah ka dhaliyey. 2014 ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay sannadkii uu ugu fiicnaa Lionel Messi, marka laga eego tamartiisii, tayada iyo bandhigyadii uu ka sameeyey garoomada, iyo waliba heerka uu xulkiisa lasoo gaadhay.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Xog muhiim ah oo ku saabsan rikoodhka Koobka Adduunka ee Messi & Maradona

Kulamada ay ciyaareen: Maradona 7-7 Messi

Goolasha: Maradona 5-4 Messi

Inta jeer ee ay goolka toogteen: Maradona 1.9-1.1 Messi

Fursadaha waaweyn ee ay lumiyeen: Maradona 0-0 Messi

ADVERTISEMENT

Fursadaha goolasha: Maradona 17%-17% Messi

Goolasha bannaanka ay ka dhaliyeen: Messi 3-0 Maradona

Caawinta: Maradona 5-1 Messi

Baasaska muhiimka ahaa ee ay ciyaar walba bixiyeen: Maradona 3.9-3.3 Messi

Saxsanaanta kubbad-dhiibistooda: Maradona 80%-80% Messi

Saxsanaanta kubbadaha dhaadheer ee ay tuureen: Messi 79%-71% Maradona

Saxsanaanta kubbada karooska ah: Messi 29%-24% Maradona

Goysmooyinkaa guuleystay: Messi 63%-59% Maradona

Qaladka lagu galay ciyaar walba: Maradona 7.6-2.6 Messi

Kubbadaha ay khasaariyeen: Messi 20.9-21.7 Maradona

Taakalada: Maradona 1.9-1.6 Messi

Share268Tweet167
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.