Kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi ayaa markale doortay dalalka ugu cad cad inay ku guuleystaan Koobka aduunka sanadkan 2022 ka qabsoomaya Qatar.
Argentina ayaa habeen hore u gudubtay wareega siddeed dhammaadka tartanka kaddib guul ay ka gaadhay Australia xilli Lionel Messi shabaqa taabtay.
Messi oo kulankaas kaddib saxaafada la hadlay ayaa dalkiisa Argentina ku daray kuwa ugu cad cad halka uu saddex xul oo kale oo uu soo raaciyay ka dhigay France, Spain iyo Brazil.
“(Argentina) waa mid kamida kuwa u sharaxan. Argentina waa awood markasta waxay kamid tahay kuwa ugu fiican” ayuu yidhi Leo.
“Waanu ognahay inaanu nahay mid kamida kuwa ugu cad cad balse waxay noqotay inaanu garoonka ku dhex muujino markale ayaananu muujinay kulanka Australia”.
“Waanu daawanaa dhammaan koobka aduunka iyo dhammaan kulamada aanu awoodno. Brazil aad ayay u fiicantahay marka laga yimaado guuldarradii Cameroon, iyagu wali waa mid kamida kuwa u cad cad”.
“France sidoo kale way fiican yihiin iyo Spain-a marka laga yimaado inay guuldarro kala kulmeen Japan waa dal ay aad ugu cadahay waxa ay samaynayaan wayna adagtahay in kubadda laga qaato iyaga, maadaama ay kulanka in badan maamulaan way adkaan doontaa in la garaacaa”.