Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Lionel Messi Oo Loo Sheegay In Loo Dooranayo Madaxweynaha Waddanka Argentina Dhamaadka Sannadkan 2022

by Abdiwahab Ahmed
December 7, 2022
0
Saxafiga Weyn Ee Fabrizio Romano Oo Jawaab Cad Ka Bixiyay Warka Sheegaya In Messi Ku Biirayo Inter Miami

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa loo sheegay in loo dooran doono Madaxweynaha waddanka Argentina kaddib Koobka Adduunka  ee ka socda waddanka Qatar, laakiin waxa ku xidhan hal shuruud oo ah inuu dalkiisa u qaado Koobka.

ADVERTISEMENT

Argentina oo guul-darro 2-1 ah oo ay kala kulmeen Sucuudiga ku bilowday Koobka Adduunka ayaa labadii kulan ee xigay ee group-yada guuleystay, kaddibna waxay wareeggii 16ka kusoo garaaceen Australia.

Lionel Messi oo laba gool dhaliyey, sidoo kalena hal caawin sameeyey afar  ciyaarood oo Koobka Adduunka ee Qatar ah oo uu saftay, ayaa waxa hadda ay isaga iyo xiddigaha dalkiisu isku diyaarinayaan Holland oo ay wareegga siddeedda isku dhaceen.

Argentina oo sannadkii 1986kii ku guuleysatay Koobka Adduunka ayaa u dagaallamaysa in markeedii labaad ay qaaddo sannadkan, waxaana hddii ay sidaasi dhacdo ay taariikh u noqon doontaa Lionel Messi oo loo dooran doono Madaxweynaha Argentina, sida uu sheegay Madaxweynihii hore ee Argentina ee  Mauricio Macri.

ADVERTISEMENT

Mauricio Macri  oo waraysi siiyey wargeyska Marca ayaa waxa uu sheegay, in Lionel Messi laga dhigi doono Madaxweynaha Argentina haddii uu dalkiisa u qaado Koobka Adduunka, waxaanau yidhi: “Dhamaantayo waxa aanu u dooran doonaa Madaxweyne. Waxa ugu muhiimsan in kooxdu faraxsan tahay, cimilladu wanaagsan tahay, waxaana aanu uga mahad-celinaynaa Scaloni. Shaqaalaha tababarku waa dad nadiif ah oo caafimaad qaba, taageereyaasha ugu wanaagsan Koobka Adduunkuna waa kuwa Argentina.”

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023

Madaxweyne Mauricio Macri oo la weydiiyey haddii dalkiisu uu ka mid yahay waddamada ugu cadcad ku guuleysiga Koobka Adduunka, waxa uu ku jawaabay: “Mar walba waxa aan sheegaa in aanu ku jirno shanta ama lixda xul ee ugu wanaagsan. Wax walba way isbeddeli karaan, laakiin maanta waxa aad aragtaan in France iyo Brazil ay woxoogaa naga sarreeyaan, balse wax walba waa nasiiib, Argentina na wali ma helin nasiib.”

ADVERTISEMENT
Share404Tweet252
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.