Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa laga doonayaa waddanka Sucuudiga iyadoo loo diyaariyey heshiis uu ku qaadanayo ku-dhowaad laba-jibbaar lacagta ay Al-Nassr siinayso Cristiano Ronaldo oo bishii December saxeexay heshiis dunidu la yaabtay oo uu £175 milyan oo mushahar ah ku qaadanayo sannadkii.
Cristiano Ronaldo ayaa ibo-fur u noqday damaca kooxaha Sucuudiga ee ciyaartoyda waaweyn iyaga oo adeegsanaya lacago badan.
Sida ay kusoo warramayaan saxaafadda waddanka Spain, kooxda Al Hilal ayaa waxay doonaysaa inay la saxeexato Lionel Messi oo ay diyaar ula tahay inay siiso mushahar £245 milyan oo Gini ah sannadkii, taas oo ka dhigan in haddii uu ka dego Sucuudiga inuu noqonayo ciyaartoyga ugu taajirsan kubadda cagta.
Wargeyska MUndo Deportivo ayaa sheegay, in Messi uu helay fursad uu sannadkii ku xoogsanayo £245 milyan oo Gini, isla markaana ku dhaafayo Ronaldo oo sannadkii ay Al Nassr siinayso £175 milyan oo Gini.
Lionel Messi oo ay da’diisu tahay 35 jir ayaa waxa uu dhamaad noqonayaa heshiiska uu kula jiro PSG dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin kooxda reer France ayaa waxay muddooyinkii dambe kula jirtay wada-hadallo heshiis cusub ah oo is-faham laga gaadhay.
Haddii uu Messi ogolaado inuu tago Al Hilal waxa uu Ronaldo ka badnaan doonaa £70 milyan oo Gini sannadkii, laakiin waxa kale oo uu helayaa fursad uu ku xoogsado £25 milyan oo Gini oo dheeraad ah oo sannad kasta uu heli doono haddii uu sameeyo xayaysiisyo dhinaca dalxiiska ah.