Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Lionel Messi Oo Ku Guuleystay Abaal-marin Kale Oo Cajiib Ah & Booskii Uu Ka Ciyaari Jiray Oo Laga Beddelayo

by Abdiwahab Ahmed
January 8, 2023
1
“Axada Waa Kulankaygii Ugu Dambeeyay Koob Aduun, Waxaan Rajaynayaa…” – Messi Oo Kahor Finalka Koobka Aduunka Farriin Diray

Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaal-marin kale oo cajiib ah sannadka 2022, iyadoo uu hore usoo qaatay xiddigii ugu fiicnaa Koobkii Adduunka ee Qatar oo uu xulka qarankiisa kula guuleystay abaal-marintan.

ADVERTISEMENT

Xiddiga reer Argentina aya sannadkii dhamaaday ee 2022 uu u ahaa mid aad u wanaagsan oo uu rumeeyey hammigiisii ugu weynaa ee ahaa inuu dalkiisa u qaado Koobka Adduunka, maadaama uu koob walba oo suurtogal ahaa hore usoo qaaday, sidoo kalena uu toddoba jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.

Messi ayaa ku guuleystay abaal-marinta kubbad-sameeyihii ugu wnaagsanaa sannadkii 2022, kaddib markii uu 30 gool caawiyey isla markaana dhiibay 102 kubbadood oo halis ahaa oo uu goolka hortiisa dhigay oo qaarkoodna goolal noqdeen kuwo kalena xigteen.

35 jirkan ayaa helay 170 cod oo loogu doortay kubbad-sameeyihii ugu fiicnaa, waxaana ku xigay Luka Modric oo 115 cod helay, balse waligii kubbad-sameeyaha Real Madrid kuma aanu guuleysanin abaal-marintan.

ADVERTISEMENT

Kevin de Bruyne, Bernardo Silva, Bruno Fernandes iyo Antoine Griezmann ayaa dhamaantood ka mid noqday lixda ciyaartoy ee ugu codadka badan ee uu Lionel Messi ku garaacay abaal-marinta Kubbad-sameeyihii sannadka 2022.

Sidoo Kale Akhri

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023
YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

January 29, 2023

Waa markii shanaad ee uu Lionel Messi ku guuleysto abaal-marintan, waxaana uu dhaafay tababaraha Barcelona ee Xavi Hernandez oo xilligii uu u ciyaarayay Barca iyo xulka Spain afar jeer noqday kubbad-sameeyaha ugu wanaagsan sannadka. Andres Iniesta iyo Kevin de Bruyne ayaa iyaguna min laba jeer ku guuleystay.

Dhinaca kale, Lionel Messi ayaa la sheegay in hadda uu ka fiirsanayo inuu beddelo booska uu ka ciyaaro oo uu kaliya isku koobo kubbad-sameeye, halka uu marar badan qayb ka noqdo weerarka kooxdiisa PSG.

ADVERTISEMENT
Share488Tweet305
ADVERTISEMENT

Related Posts

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

YAAB: Magaciisa Runta Ah Ma Aha Casemiro – Dadka Oo Hadda Uun Ogaaday Inuu Magac Kale Isticmaalo Xiddiga Brazil

Casemiro Oo Fariin Cagajugleyn Ah U Diray Arsenal Iyo Manchester City

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Casemiro ayaa fariin digiin ah u diray Manchester City iyo Arsenal isagoo u sheegay inuu u soo socdo inuu soo...

Comments 1

  1. Saxane says:
    3 weeks ago

    Mayeee nacnac soqora hebeenkii chelsea labahdilo ku mereysta qurafaad maad iska sexataan hadadnan soo qori karm bahdilkii Chelsea kudhacay😳

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.