Xulka qaranka Argentina ayaa guushii koowaad kasoo hooyey Koobka Adduunka, waxaanay 2-0 kaga adkaadeen Mexico kulan aad loo sugayay oo ay ku xidhnayd rajada xulka Argentina ee kusii jiritaanka Koobka Adduunka, kaddib markii ay guul-darro ku furteen ciyaaroodii koowaad.
Lionel Messi ayaa xulkiisa ku hoggaamiyey guul, kana badbaadiyey inay ka hadhaan Koobka Adduunka oo maraya marxaladdiisii koowaad ee group-yada.
Kubbad uu bannaanka ka toogtay oo uu goolhaye Guillermo Ochoa badbaadin kari waayey ayuu Lionel Messi saddexda dhibcood ugu go’aamiyey xulkiisa, ka hor intii aanu Fernandes goolka labaad ku darin waxaanay natiijadan ku noqdeen dalka kaalinta labaad kaga jira Group G iyaga hal dhibic ka dambeeya Poland oo afar dhibcood haysata.
Garoonka Lusail Stadium oo waqti hore ay taageereyaashu usoo buuxiyeen xamaasadda ciyaartan oo ka sokow in ay rajada Argentina ku xidhnayd ay haddana muuqatay colaadda kubbadeed ee guunka ah ee u dhaxaysay labadan dal, ayaa waxa qaybtii hore ay ahayd mid qaladaadku tiro beel ahaayeen, isla markaana aan fursado badan la isasiinayn.
Tayada kubadda ee qaybta hore ayaa waxa bilowgiiba saamayn ku yeeshay xiisadda kacsanayd ee ciyaartoyda labada kooxood oo xakamaynteedu adkayd, waxaana la diiwaangeliyey 15 qalad oo uu garsoore Daniel Orsato si deggen oo ka fiirsi leh u dhigay.
Mexico ayaa heshay laba fursadood oo fiican qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana midkood oo laad xor ahaa oo uu soo tuuray Vega badbaadiyey goolhaye Emiliano Martinez.
Argentina ayaa qaybta labaad ku bilaabatay si fiican, waxaana firfircooni badan la yimid Angel di Maria oo qaybtii hore ay ciyaartu ka jiiftay, halka Lionel Messi oo u muuqanayay inuu daraasaynayo habka difaaca ee Mexico uu dib u fadhiistay oo uu afka hore u daayey Lisandro Martinez.
Daqiiqaddii 64aad ayuu Lionel Messi hoggaanka u dhiibay xulka qaranka Argentina, waxaana darbad dhulka socota oo uu ka toogtay bannaanka laynka uu ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka ahaa goolhaye Guillermo Ochoa.
Kubaddan ayaa waxa dhinaca midig ka keenay Angel di Maria oo meel aan cidhiidhi badani ku jirin u dhigay, taas oo uu isaguna ku sallaxday lugta bidix kaddibna darbad dhulka socota ku liishaamay goolka, kuna hubsaday shabaqa.
Goolkan ayaa ahaa midkii siddeedaad ee Lionel Messi uu ka dhaliyo Koobka Adduunka oo ay u tahay markiisii shanaad ee uu ka qayb-galo, waxaanu soo bilowday sannadkii 2006 oo uu markiisii koowaad ciyaaray, ka hor intii aanu 2010, 2014 iyo 2018 u hoggaamin dalkiisa Argentina.
Dhamaadka ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayay Argentina la timid goolka labaad oo uu u dhaliyey Enzo Jeremias Fernandez oo beddel kusoo galay. Kubbad uu Lionel Messi ugu dhiibay dhinaca bidix ayuu Fernandes ula dhaqaaqay dhinaca goolka, waxaanu ka dul-qaaday goolhayaha isaga oo toogtay dhinaca birta fog.
Guushan ayaa ka dhigan in Argentina ay kaalinta labaad ee Group G soo gashay, iyada oo haysata saddex dhibcood, waxaanay isku mid yihiin Sucuudiga oo isaguna saddex dhibcood haysata, halka Poland ay afar dhibcood leedahay oo ay hoggaanka hayso. Mexico ayaa ugu hoosaysa hormadan oo hal dhibic oo kaliya leh.