Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Lionel Messi Oo Dhaawacmay Ka Hor Finalka Koobka Adduunka Ee Morocco/France

by Abdiwahab Ahmed
December 14, 2022
0
Lionel Messi Oo Dhaawacmay Ka Hor Finalka Koobka Adduunka Ee Morocco/France

Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa walwalsan maalmo ka hor finalka Koobka Adduunka ee ay la ciyaari doonaan Faransiiska iyo Morocco midkooda caawa soo gudba, sababtoo ah waxa uu xalay dhaawac soo gaadhay xiddiga xulkiisa ee Lionel Messi.

ADVERTISEMENT

Kabtanka xulka Argentina oo xalay soo bandhig mid ka  mid ah ciyaarihiisii ugu sarreeyey, isla markaana garoonka Lusail Stadium ku silciyey ciyaartoyda Croatia oo uu rikoodhe ka dhaliyey, sidoo kalena uu caawiyey goolkii labaad ee Julian Alvarez uu dhaliyey.

35 jirkan ayaa ciyaarta dhamaystay isaga oo faraxsan, laakiin waxa jiray xaalado walwal leh oo laacibkan soo maray dhamaadkii ciyaarta, kaddib markii la arkay isaga oo muruqa is-haya kaddib markii uu sida xun u bahdilay Josko Gvardiol oo uu kubbad dhinaca midig ay isku heleen uu si fudud ula soo dhaafaya ee uu goolka hortiisa u dhigay Julian Alvarez daqiiqaddii 69aad, taas oo ahayd goolkii saddexaad ee Argentina ka dhaliso Croatia.

Leo Messi 1

ADVERTISEMENT

Lionel Scaloni ayaan ka hadal dhaawaca soo gaadhay Lionel Messi oo muruqa ah, hase yeeshee waxay warbaahinta Ingiriiska oo adeegsanaya sawir uu muruqa bowdada is-hayo Messi ay ku sheegeen in uu dhaawacan yahay.

Sidoo Kale Akhri

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Salaasa Ah

February 7, 2023
Waakan Xiddiga Liverpool Uga Dhaaratay Inuu Kooxdeeda Ka Baxo

Ololaha Nadiifinta Liverpool Oo Bilaabmay & Xiddiga Ugu Horreeya Ee Laga Fasaxay Anfield

February 7, 2023

Ciyaarta kaddib ayaa Messi la weydiiyey sida uu xaalkiisu yahay maadaama uu muruqa is-hayay, waxaana uu ku jawaabay: “Run ahaantii waxa aan dareemayaa in aan fiicanahay, waxa aan dareemayaa xoogganaan iyo in aan diyaar u ahay in aan ciyaaro kulan walba.

“Ma ahayn ciyaar fudud sababtoo ah waxa aanu nimid anaga oo daallan, balse waxa aanu ahayn koox adag, waxaananu dheelnay ciyaar xooggan. In badan ayaan faraxsanahay, waxa aan ku dareemayaa Koobka Adduunka farxad iyo in aan awooday in aan caawiyo ciyaartoydayada.”

ADVERTISEMENT
Share389Tweet243
ADVERTISEMENT

Related Posts

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Salaasa Ah

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Paris St-Germain ayaa doonaysa saxeexa Bernardo Silva oo u furan inuu Man City ka tago balse waxay tartan kala kulmayaan...

Waakan Xiddiga Liverpool Uga Dhaaratay Inuu Kooxdeeda Ka Baxo

Ololaha Nadiifinta Liverpool Oo Bilaabmay & Xiddiga Ugu Horreeya Ee Laga Fasaxay Anfield

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Kooxda Liverpool ayaa la filayaa inay suuqa xagaaga soo socda dib u habayntii ugu weyneyd isku samayso iyadoo ciyaartoy badan...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.