Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Ligue 1

Lionel Messi Oo Ciyaartiisii U Horreysay Ee Kaddib Koobka Adduunka Ku Barbarreeyey Rikoodh Uu Haystay Cristiano Ronaldo

by Abdiwahab Ahmed
January 12, 2023
0
Lionel Messi Oo Ciyaartiisii U Horreysay Ee Kaddib Koobka Adduunka Ku Barbarreeyey Rikoodh Uu Haystay Cristiano Ronaldo

Lionel Messi ayaa dhaliyey goolkiisii koowaad ee uu u saxeexo Paris Saint-Germain kulankiisii koowaad ee uu u safto naadigiisa intii uu kasoo laabtay Koobka Adduunka, waxaanay xalay garaaceen Angers.

ADVERTISEMENT

Messi oo ahaa geesiga Argentina ka caawiyey inay ku guuleysato Koobka Adduunka ee ay bishii hore rikoodheyaasha ku garaaceen Faransiiska, ayaa goolka uu xalay dhaliyey waxa uu kusoo qabtay oo uu ku barbarreeyey rikoodh u yaallay Cristiano Ronaldo.

35 jirkan ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 72aad, waxaana ka horreeyey gool-dhalinta ciyaarta furay Nordi Mukiele oo kusoo bilowday booska uu ka maqnaa Kylian Mbappe, waxaanay guushani siisay PSG inay lix dhibcood  ku qabato hoggaanka horyaalka.

Goolkan ayaa ahaa midkii 13aad ee uu Lionel Messi dhaliyo xilli ciyaareedkan oo uu 20 kulan u saftay PSG, kuwaas oo siddeed ka  mid ah ay yihiin horyaalka Ligue 1, halka shanta kalena ay Champions League iyo tartamada kale iskugu jiraan.

ADVERTISEMENT

Messi ayaa laba gool dhaafay tirada goolashii uu xilli ciyaareedkii hore u saftay PSG, waxaana uu hadda isugeyn kooxdan u saxeexay 24 gool tan iyo markii uu kaga soo biiray Barcelona xagaagii 2021.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Xiddigan oo 778 ciyaarood oo uu u dheelay Barcelona usoo dhaliyey 672 gool, ayaa waxa marka loogu geeyo tirada goolashiisa PSG uu marayaa 696 gool, waxaanu sidaa ku baarbarreeyey rikoodhka goolasha Cristiano Ronaldo uu ka dhaliyey shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub oo uu ka dheelay Premier League, LaLiga  iyo Serie A.

Xiddiga reer Portugal ayaa sidoo kale xulka qarankiisa Portugal u dhaliyey 118 gool, waana ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda kubadda cagta ee dhinaca ciyaaraha caalamiga ah, waxaana uu hadda Messi kaga sarreeyaa shan gool oo uu usoo dhaliyey Sporting Lisbon iyo goolsha xulkiisa.

Ronaldo ayaa Manchester  United u dhaliyey 145 gool, Real Madrid na waxa uu u saxeexay 450 gool iyo Juventus oo uu u dhaliyey 101 gool, halka Sporting Lisbon ay shan gool uga diiwaangashan yihiin.

ADVERTISEMENT
Share300Tweet188
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.