Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Lionel Messi Oo Argentina U Soo Saaray Wareega 8da Koobka Adduunka, Australia Ayay Dileen, Waxayna Balansadeen Netherlands

by Saed Mohamed
December 3, 2022
2
Lionel Messi Oo Argentina U Soo Saaray Wareega 8da Koobka Adduunka, Australia Ayay Dileen, Waxayna Balansadeen Netherlands

Xulka Argentina ayaa iska xaadiriyay wareega 8da ee Koobka Adduunka ka dib markii ay 2-1 ku dubteen xulka Australia ciyaar xiiso badneyd oo labada xul dhexmartay.

ADVERTISEMENT

Argentina ayaa qeybtii hore kubada inteeda badan iska heysatay, laakiin ma aysan abuureynin fursado badan halka Australia ay ku soo tashadeen inay difaac galaan.

Lionel Messi oo ciyaarayay kulankii KUMAAD ee waayihiisa ciyaareed ayaase boorka ka jafay ciyaarta isagoo gool qurux badan oo uu ka dhaliyay meel 15 mitir u jirta goolka uu hogaanka ugu dhiibay Argentina daqiiqadii 35aad.

Waxay aheyd markii ugu horeysay abid ee Lionel Messi uu gool ka dhaliyo meel ka baxsan wareega guruubyada Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Qeybtii hore goolkaas ayaa lagu kala nastay, markii la isku soo laabtay Argentina ayaa baadigoob ugu jirtay inay hesho goolkii ay ku xaqiijisan laheyd guusha.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023

Daqiiqadii 57aad goolhayaha xulka Australia ayaana hadiyad u siiyay goolkii ay raadinayeen, ka dib markii uu ka daahay inuu bixiyo baas loo soo celiyay, waxaana ka dafay oo ka dhaliyay Alvarez.

Daqiiqadii 77aad Australia ayaa heshay gool ay hurdada uga kaceen markii Goodwin uu darbo ku dharbaaxay Fernandez taasoo dib martay goolhaye Martinez. Waxaa goolka loo qoray inuu iska dhaliyay Fernandez.

Goolkaan ay soo ceshatay Australia ayaa xamaasad u yeelay  ciyaarta iyadoo Australia ay gashay rajo aheyd inay barbareyn karaan halka Messi uu mar walba uu kubad jiido uu halis ku ahaa goolka Australia.

Kabtanka Argentina ayaa wacdarro dhigay kulankaan, marka laga soo tago inuu gool dhaliyay hadana wuxuu ahaa halista weerarka Argentina isagoo abuuray fursado badan. 10kii daqiiqo ee ugu danbeeyay ciyaarta kaliya labo fursadood oo gool loo fishay ayuu u dhigay Martinez oo qasaariyay.

ADVERTISEMENT

Ilbiriqsii ugu danbeeyay Australia ayaa heshay fursad gool loo fishay oo ay ciyaarta ku barbareyn kareen laakiin goolhaye Martinez ayaa badbaadiyay.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay Argentina ku dubatay Australia, waxayna wareega 8da isku balansadeen xulka Netherlands oo maanta ka soo gudbay xulka Mareykanka.

Share354Tweet221
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Comments 2

  1. Abshir maxamed says:
    2 months ago

    Boyka

    Reply
  2. Abshir maxamed says:
    2 months ago

    Abshir

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.