Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

LAYAAB: Saddexdiisa Carruurta Ahiba Isku Maalin Ayey Dhasheen – Akhriso Yaabka Griezmann

by Abdiwahab Ahmed
April 8, 2021
0

Antoine Griezmann ayaa markii saddexaad aabbo noqday subaxnimadii khamiistii maanta, iyadoo uu u dhashay ilmihiisii saddexaad, waxaana uu ugu magac daray difaaca Barcelona ee Alba.

ADVERTISEMENT

Xaaska Antoine Griezmann oo lagu magacaabo Erika Choperena ayaa umushay saaka, waxaana qoraal ay soo dhigtay barteeda bulshada ee Instagram ay ku muujisay farxaddeeda kaddib ilmaha kusoo kordhay qoyska, waxaanay carruurteeda oo dhan u dirtay hambalyo.

Griezmann

Laba carruur ah oo hore ayey Antoine Griezmann iyo Erika Choperena isku dhaleen, waxaanu Alba noqonayaa ilmihii saddexaad.

ADVERTISEMENT

Canugooda ugu weyn oo lagu magacaabo Mia ayaa dhashay sannadkii 2016kii, waxaana ku xigay Amaro oo saddex sannadood kaddib dunida yimid, halka maanta ay farxad kusoo dhoweeyeen ilamahooda saddexaad oo ah Alba.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Arrinta layaabka leh ayaa waxay tahay in dhamaan saddexdan carruurta ah ay dhasheen taariikh isku mid ah, waana April 8.

Mia oo ugu weyn ayaa April 8, 2016 dunida yimid, waxaana xigay Amaro April 8, 2019kii dhashay, halka Alba aanu ka leexanin isla maalintaas oo uu dhashay April 8, 2021.

Erika Choperena ayaa qoraalkeeda ay ku daabacday barteeda bulshada farxadda dhalashada kula wadaagtay labadeeda carruurta ah ee waaweyn iyo midka dambe oo ay isagana sii raacisay, waxaanay ku tidhi: “Maanta waxay calaamad u tahay labada iyo shan sannadood oo ah tan iyo markii aad adduunyada timaaddeen. Waxaad beddesheen dunideena, waxaanad naga dhigeen kuwo koray, wax bartay oo sidii hore ka fiican.”

Dhinaca kale, Antoine Greizmann ayaan ka qayb-gelin tababarkii Barcelona ee Khamiistii maanta, waxaanu wehel u ahaa xaaskiisa. Laakiin wuxuu tababarka kusoo laaban doonaa Jimcaha si uu iskugu diyaariyo kulanka El Clasico ee Real Madrid ay u tegayaan Sabtida.

ADVERTISEMENT
Share234Tweet146
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.