Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

“Layaab Ayay Igu Noqon Doontaa Haddii Kaalinta 4aad Yimaadaan” – Paul Merson Oo Sameeyey Saadaal Niyadda Ka Dilaysa Arsenal

by Abdiwahab Ahmed
December 25, 2022
0
Saxeexa Kaliya Ee Arsenal Ay U Baahan Tahay Si Ay Ugu Guuleysato Horyaalka Premier League Oo La Tilmaamay

Khabiirka ciyaaraha Paul Merson ayaa dareensan in Arsenal ay ka dhaadhici doonto sallaank figta sare ee horyaalka Premier League, isla markaana ay xataa layaab noqon doonto haddii ay afarta sare ka mid noqdaan, sababtoo ah waxa soo gaadhay jug ay adag tahay inay kasoo kabtaan.

ADVERTISEMENT

Gunners oo hoggaanka horyaalka ku haysa shan dhibcood oo ay ka horreyso Man City oo labaad fadhida ayaa qaadanaysa xilli ciyaareedkeedii ugu fiicnaa muddo 20 sannadood ah, waxaanay ku hamiyeysaa inay ku guuleysato horyaalka Premier League oo ay ugu dambaysay sannadkii 2003.

Mikel Arteta oo ay kooxdiisu berri oo Isniin ah la ciyaari doonto West Ham United ayaa u baahan inay guul dib ugu furato horyaalka kaddib lix usbuuc oo fasax ahaa, hase yeeshee waxay la dhibaatoon doonaan sidii ay u buuxin lahaayeen booska uu ka dhaawacmay Gabriel Jesus.

Weeraryahanka reer Brazil oo kusoo dhaawacmay Koobkii Adduunka ayaa garoomada ka maqnaan doona illaa bisha March, waana sababta uu Paul Merson ugu dooday in Gunners ay simbiririxasho degdeg ah bilaabi doonto.

ADVERTISEMENT

25 jirkan oo ay Gunners £45 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Man Ctiy xagaagii ayaa shan gool u dhaliyey, lix kalena caawiye ka  noqday, taas oo ka dhigan in 14 ciyaarood oo horyaalka ah uu ku lug yeeshay 11 gool oo ay kooxdiisu dhalisay, balse xalka degdegga ah ee uu Mikel Arteta haysto ayaa ah Eddie Nketiah.

Sidoo Kale Akhri

Liverpool Oo LABA Saxeex Kaga Farxinaysa Taageereyaasheeda & Wada-hadallada Sida Lama Filaanka Ah Ku Bilowday

Liverpool Oo LABA Saxeex Kaga Farxinaysa Taageereyaasheeda & Wada-hadallada Sida Lama Filaanka Ah Ku Bilowday

January 28, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: War Cusub Oo Kasoo Kordhay Saxeexa Arsenal Ee Moises Caicedo

January 28, 2023

Merson oo maqaal ku qoray wargeyska Daily Star ayaa yidhi: “Waxa aan isku dayaa in aanan wax badan ka akhriyin kulamada saaxiibtinimo sababtoo ah waxa walaac weyn igu haya in Arsenal ay hadda isku hallaynayso Eddie Nketiah marka uu Premier League soo laabto. Siddeed dhibcood oo nadiif ah ayay tegi karaan haddii ay garaacaan West Ham ka hor inta aanay Manchester City ciyaarin, balse kuma farxi doonaan oo kuma guuleysan doonin horyaalka Gabriel Jesus la’aantii.

“Way adag tahay sababtoo ah uma aanu dhalinayn goolal badan laakiin waxa uu ahaa ciyaartoy wax qabad badan. Haddii uu maqnaado saddex bilood, aniga layaab ayay igu noqon doontaa haddii ay Arsenal afarta sare kasii mid ahaato.”

Paul Merson oo qoraalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyey: “Anigu ma arkayo halka ay goolashoodu ka imanayaan, laga yaabaa in aan qaldanahay.”

ADVERTISEMENT
Share343Tweet215
ADVERTISEMENT

Related Posts

Liverpool Oo LABA Saxeex Kaga Farxinaysa Taageereyaasheeda & Wada-hadallada Sida Lama Filaanka Ah Ku Bilowday

Liverpool Oo LABA Saxeex Kaga Farxinaysa Taageereyaasheeda & Wada-hadallada Sida Lama Filaanka Ah Ku Bilowday

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ugu dambayntii helay war ka farxiyey xilli ay u muuqanayeen inay ka quusteen suuqa...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: War Cusub Oo Kasoo Kordhay Saxeexa Arsenal Ee Moises Caicedo

by Abdiwahab Ahmed
January 28, 2023
0

Garoonka tababarka kooxda kubadda cagta Brighton & Hove Albion waa uu ka duwanaa saaka sidii uu hore u ahaan jiray,...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.