Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Lambarkii Nasiib-darrada Ee No.13 Ee La Hadhay Brazil, Digashadii Luka Modric & Rikoodhkii Birlabta Garoonka Ee Keentay Guusha Croatia

by Abdiwahab Ahmed
December 9, 2022
0
Lambarkii Nasiib-darrada Ee No.13 Ee La Hadhay Brazil, Digashadii Luka Modric & Rikoodhkii Birlabta Garoonka Ee Keentay Guusha Croatia

Xulka qaranka Brazil oo aad loogu saadaalinayey Koobka Adduunka ayaa ka hadhay tartanka, waxaana rikoodheyaal 4-2 ah ku garaacday Croatia, kulan taariikho laga diiwaangeliyey oo noqotay ciyaartii saddexaad ee lagu kala baxo rikoodheyaal.

ADVERTISEMENT

Brazil ayaa ahayd kooxda fursadaha badan heshay ee haddana uu nasiibkoodu shaqayn waayey, waxaase taas beddelkeeda waqtigu saaciday Croatia oo xilli dambe ka baxday niyad-jab 17 daqiiqadood haystay.

90kii daqiiqadood ee ciyaarta oo kusoo dhamaaday goolal la’aan ayaa waxay keentay in ciyaarta lagu daro 30 daqiiqadood oo dheeraad ah ka hor inta aan rikoodheyaal la isla gaadhin, waxaana gool qurux badan heshay Brazil oo daqiiqaddii 105aad dabbaal-degtay, balse saddex daqiiqadood ka hor dhamaadka waqtigii dheeraadka ahaa ayay Croatia la timid goolka barbarraha, iyadoo rikoodheyaashiina ku garaacday Brazil.

Lambarkii nasiib-darrada ee No.13 ee la hadhay Brazil

ADVERTISEMENT

Xulka qaranka Brazil ayaa noqday dalkii ugu nasiibka xumaa Koobka Adduunka kulamadii waqtiga dheeraadka ah lagu daray. Brazil ayaa noqotay dalkii 13aad ee ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka oo waqti dheeraad ah lagu daray la hormartay hoggaanka ku qabatay 1-0, balse waxay noqdeen dalkii 13aad ee iyaga oo goolkaas dhaliyey laga reebo Koobka Adduunka.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

13 – Brazil were the 13th side to go 1-0 up in extra-time of a World Cup knockout stage match, but the first of those 13 to be eliminated. Unlucky. pic.twitter.com/93rNHxzUdv

— OptaJoe (@OptaJoe) December 9, 2022

Hore ugama dhicin Koobka Adduunka  in iyadoo ciyaar 30 daqiiqadood lagu daray uu waddan gool la hormaro oo ay natiijadu noqoto 1-0, haddana isla dalka goolka la hormaray la reebo. Waa Nasiib-darro iyo lambarkii nasiib-darrada ee No.13 oo isku beegmay.

Birlabtii ciyaarta ee keentay guusha Croatia

Goolhaye Dominik Livakovic waxa uu ahaa birlab [bir-qabad] la moodayay in uu magnet usoo jiidayay kubadda. Waxa uu badbaadiyey fursado badan ka hor intii aan rikoodheyaasha la isla gaadhin.

ADVERTISEMENT

Markii rikoodheyaasha la dhigay, waxa uu isku duubay kubaddii koowaad ee lagu laaday oo uu tuuray Rodrygo oo toogtay dhinaca midig. Waxa uu ahaa rikoodhihii afraad ee uu Dominik Livakovic uu badbaadiyo Koobka Adduunka ee ka socda waddanka Qatar. Waa taariikh looga horreeyey oo uu barbarreeyey, balse ma jiro goolhaye badbaadiyey wax ka badan afar rikoodhe.

4 – Dominik Livakovic has saved four penalties during World Cup penalty shoot-outs, the joint-most of any goalkeeper in the tournament's history. Prescience. pic.twitter.com/T3BJlDCQ37

— OptaJoe (@OptaJoe) December 9, 2022

Hore waxa uu saddex rikoodhe uga qabtay Japan wareeggii 16ka Koobka Adduunka, haddana Brazil ayuu sii raaciyey oo labadoodaba uu gacantiisa ku reebay.

Digashadii Luka Modric

Iyadoo ay da’diisu tahay 37 jir ayuu ciyaarta kusoo bilowday. Mar kaliya isma taagin, waxaanu ordayay min khadka dhexe, weerarka illaa difaaca isaga oo dhamaystay 120 daqiiqadood.

Waxa uu sidoo kale dhamaystiray rikoodihiisii oo uu si xarrago leh dhinaca kale ugu diray goolhayaha Brazil ee Alisson Becker, illaa uu dhamaadkiina carruurtiisa lasoo galay garoonka oo uu kula dabbaal-degay.

Dagaalkii khadka dhexe waxa uu kaga guuleystay Casemiro, waxaana uu ahaa laacibka yeedhinayay kubadda Croatia ee ku ladhayay khibradda iyo waayo aragnimada uu sannadaha badan kasoo dhaxlay kubadda.

Afar maalmood ka hor oo ahayd  kulankii Japan, waxa uu ciyaaray 99 daqiiqadood, lagamana dareemayn daal iyo in ay tamartiisu yaraatay, halka khadka dhexe ee Brazil ay awooddoodu is-dhintay waqtigii dheeraadka ahaa oo Paqueta oo is-taagay la saaray, sidoo kalena Casemiro uu culays badan dareemay.

Waa dhoola-tus weyn, in 37 jir uu dagaalkii khadka dhexe kaga adkaado xiddigaha Brazil, sidoo kalena uu markii labaad oo xidhiidh ah dalkiisa u diro semi-finalka Koobka Adduunka. Hadda waxa uu ku riyoonayaa in uu finalka gaadho sidii sannadkii 2018.

Share482Tweet301
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.