Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Lambarka Uu Leandro Trossard U Xidhanayo Arsenal Oo Heshiiskiisa Ku Guuleysatay

by Abdiwahab Ahmed
January 19, 2023
0
Lambarka Uu Leandro Trossard U Xidhanayo Arsenal Oo Heshiiskiisa Ku Guuleysatay

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa saacadaha soo socda la filayaa inay dhamaystirto heshiiska xiddiga reer Belgium ee Leandro Trossard  oo ay kala soo wareegayso Brighton & Hove Albion, waxaana uu qorshuhu yahay in garoonka Emirates Stadium lagu soo bandhigo ka hor ciyaarta Axadda ee Manchester United.

ADVERTISEMENT

Mikel Arteta oo kooxdiisa hore looga afduubtay Joao Felix iyo Mudryk oo ay qaadatay Chelsea ayaa  waxa uu ku faro-adaygayaa Leandro Trossard oo la sheegay inay ka bixinayaan lacag aan ka badnayn £25 milyan oo Gini.

Fabrizio Romano ayaa maanta xaqiijiyey in ay Arsenal heshiis shaqsi ah la gaadhay Trossard, haddana ay hadhsan tahay in la dhamaystiro heshiiska kooxdiisa Brighton oo ay u socdaan wada-hadallo meel fiican maraya oo la filayo in aanay waqti badan qaadanin.

28 jirkan ayay hore u dalbatay Tottenham oo ku doonaysay £12 milyan oo Gini, waxaana iska  diidday Brighton oo doonaysa lacag laba-jibbaar ka badan intaas, taas oo fursad siisay Arsenal.

ADVERTISEMENT

Brighton oo xagaagii iibisay Yves Bissouma oo £25 milyan oo Gini ugu wareegay Spurs iyo Marc Cucurell oo ay Chelsea ku qaadatay £62 milyan oo Gini, ayaa  waxay haddana diyaar u noqotay inay suuqa dhigto Trossard oo ay isku dhaceen tababare De Zerbi. Waxa kale oo kasii horreeyey Ben White oo Arsenal ay kagala wareegtay £50 milyan oo Gini.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Kaddib markii ay soo baxday xogta heshiiska Leandro Trossard iyo Arsenal, waxa su’aal noqotay lambarka uu xidhan doono xiddigan reer Belgium sababtoo ah lambarkii uu jeclaa ee No.11 waxa haysta Gabriel Martinelli. Sidoo kale, Trossard oo kooxdiisii hore ee Genk u xidhan jiray No.14 ayaan bannaanayn, waxaana Arsenal ay siisay Eddie Nketiah markii uu heshiiska cusub saxeexay.

Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Qatar, waxa uu Trossard xulkiisa Belgium u xidhnaa No.17 kaasna ma heli karo waqtigan sababtoo ah waxa haysta Cedric Soares inkasta oo la sheegayo inay suurtogal tahay in uu Soares amaah kaga tago Arsenal oo uu sidaas  ku heli karayo Trossard.

Haddii No.17 uu waayo, waxa Trossard ay Arsenal kala dooransiin doontaa lambarrada kale ee bannaan No.15 oo uu lahaaAinsley Maitland-Niles oo amaah ku maqan, No.19 oo uu xidhan jiray Nicolas Pepe oo amaah lagudiray, No.20 oo uu leeyahay Nuno Tavares oo amaah ku baxay iyo No.22 oo uu Pablo Mari xidhan jiray ka hor intii aanamaahda laagu bixin. Waxa kale oo bannaan No.26, No.28, No.29 iyo No.30.

ADVERTISEMENT
Share589Tweet368
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.