Liverpool ayaa xalay oo Isniin aheyd dhameystirtay saxiixa weeraryahankii kooxda PSV Eindhoven Cody Gakpoi iyagoo kula soo wareegay hishiis 37 milyan ginni ah.
Xiddigaan oo ka ciyaara garab weerar ayaa loo keenay inuu buuxiyo booska garabka bidix ee weerarka oo uu ka dhaawacmay Luis Diaz oo muddo bilooyin ah garoomada ka maqnaanaya.
Reds ayaa fursad u heleysa inay labada garbood ee weerarka ka ciyaarsiiso Mohamed Salah iyo Cody Gakpo halka weerarka dhexe uu ka dheelayo Darwin Nunez.
Hadaba waxaa la isweydiinayaan lambarka uu Gakpo u xiran doono Liverpool iyadoo aysan kooxdu ka banaaneyn lambaradii uu jeclaa oo dhan.
Tan iyo 2021kii, Gakpo wuxuu PSV u xiranayay maaliyada No.11 laakiin Liverpool waxaa lambarkaas u xiran Mohamed Salah.
Wuxuu Gakpo sidoo kale No.8 ku xirtay Koobkii Adduunka laakiin waxaa heysta Naby Keita. Ciyaaryahanka ayaa sidoo kale u xiran jiray PSV maaliyada No. 19 oo uu haatan Liverpool u xirto Harvey Elliot.
Gakpo waxaa sidoo kale lagu yaqaanaa inuu soo xirtay maaliyadaha lambarka 9aad iyo tdoobaad intii uu Netherlands joogay laakiin midkoodna kama banaana Liverpool.
Lambarada ka banaan Liverpool waa 12, 16, 18, 24 iyo 25 iyadoo Gakpo ay u noqon doonto markii ugu horeysay ee uu xirto mid kasta oo lambaradaan ka mid ah.
Lambarka 12aad waxaa baneeyay Joe Gomez xagaagii kaasoo u wareegay maaliyada No.2 halka No.18 uu xirnaa Takumi Minamino oo kooxda ka tagay.
Maaliyada No.25 ma jirto cid u xiratay Liverpool tan iyo markii uu Pepe Reina ka tagay kooxda sannadkii 2013kii.
Sidokle waxaa banan number 10 oo sadio mane uu baneeyey xagaagan wana sura gal in loodhibo ama salah loo dhibo 10 si isagana logu dhibo 11