Cody Gakpo ayaa noqon doonta ciyaartoygii 11aad ee Liverpool u xidha No.18, kaddib markii ay Reds £45 milyan oo Gini kaga soo iibsatay kooxda reer Portugal ee PSV.
Heshiiska laacibkan ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Arbacadii, laba maalmood kaddib mrkii ay PSV Eindhoven xaqiijisay inay heshiis la gaadhay Liverpool oo uu weerarayahankani lacag rikoodh jabis ah ku tegayo Anfield.
Gakpo oo 23 jir ah ayaa sheegay inuu muddo dheer sugayay fursaddan markii uu bixinayay waraysigiisii koowaad ee kooxdiisa cusub, waxaana uu sheegay in uu rajaynayo inuu noqon doono mid ka wanaagsanaada ciyaartoydii hore u soo xidhay lambarka 18 ee habaarku ku dhacay.
Ciyaartoygii ugu dambeeyey ee No.18 xidhay waxa uu ahaa Takumi Minamino oo ku fashilmay Anfield inkasta oo uu ahaa geesiga aan loo heesin ee Reds ka caawiyey guulihii FA Cup iyo EFL Cup ee xilli ciyaareedkii tegay, waxa kale oo uu kula guuleystay Premier League sannadkii 2020 ee uu horraantiisa kusoo biiray, balse waxa uu uga wareegay Monaco oo uu hadda u ciyaaro.
Minamino waxa uu lambarkan dhxlay isaga oo uu bixiyey Alberto Moreno oo shan sannadood u xidhnaa Liverpool, kaas oo mar walba ahaa ciyaartoy aan qaddarin iyo kalsooni badan ku haysan kooxda.
Waxa uga sii horreeyey oo uu isaguna kala wareegay Dirk Kuty oo ahaa ciyaartoy la isku raacsan yahay tayadiisa, sidoo kalena ahaa mid shaqo badan oo aan waalin. Taageereyaasha Liverpool ayaa u aqoonsan Kuyt inuu yahay ciyaartoygii ugu fiicnaa ee xidha No.18 ee ay muddooyinkii dambe arkaan. Antonio Nunez ayaa isaguna xidhay, balse John Arne Riise waa libaaxa Anfield aan xasuustiisu sannadaha badanka tegayn ee xidhnaa lambarkan. Erik Meijer iyo Jean Michel-Ferri ayaa iyaguna xidhay.
Labada ciyaartoy ee qaddarinta iyo ixtiraamka ugu badan ay u hayaan taageereyaasha Liverpool ee lambarkan xidhay waa Phil Charmock iyo Ronny Rosenthal, iyadoo jamaahiirta kooxdaasi ay lambarkan u yaqaanaan mid ciyaartoyda xidha ay nasiib-darran yihiin.
Cody Gakpo ayaa waxa lambarkan loo geliyey ee No.18 waxa uu ku noqon doonaa culays badan, waxa se kartidiisa darteed la rumaysan yahay in uu noqon doono ciyaartoy sharaf u yeeli doona lambarkan oo ciyaartoyda ka dhaxli doonta mustaqbalku ay noqon doonaan kuwo sharfan.