Arsenal ayaa dib usoo noolayn karta xiisaha ay hore ugu qabtay khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Arthur Melo oo haatan amaah kula jooga Liverpool.
Arsenal ayaa xiddiga Brazilian-ka ah u aragta dookha labaad ee ay uga weecan karto Youri Tielemans oo Leicester City ka tirsan oo ay isagana isha la raacayaan.
Arsenal ayaa calaamadsatay dhawr xiddigo oo No.8 ah kuwaas oo kooxda kusoo biiri kara xagaaga dambe bedelka Tielemans waxaana ugu dambeeyay Arthur.
26 sano jirkaas ayay suuqii xagaaga Juventus amaah ku siisay Liverpool balse dhaawacyo ayaa saameeyay isagoo ilaa haatan 76 daqiiqo kaliya soo metelay Reds.
Arthur oo aan wali wax muuqda ku samaynin Reds ayaa qaybta dambe ee xilli ciyaareedka muhiim u noqon kara macalin Jurgen Klopp.
Wargeyska Talyaaniga ah ee Calciomercato ayaa sheegaya in tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta yahay mid aad u jecel oo taageere u ah Arthur Melo.