Kooxda Chelsea ayaa si lama filaan ah durba shaki u galinaysa mustaqbalka macalinka ay bilooyin kahor magacawday ee Graham Potter.
Potter ayaan ilaa haatan wax muuqda ka samayn Chelsea iyagoo mar kulamo badan si xidhiidh ah guul la’aan u noqday mudada uu maamulayay haatana booska siddeedaad kaga jira kala sarreynta Premier League.
Blues ayaa haatan lala xidhiidhinayaa tababarihii hore ee xulka Spain ee Luis Enrique oo shaqadaas ka tagay kaddib ka hadhitaankoodii Koobka aduunka.
Enrique ayaa kaddib markii uu faarujiyay shaqada xulka La Roja warbaahinta kahor sheegay inuu diyaar u yahay kusoo laabashada shaqada kooxaha.
Muuqbaahiyaha El Chiringuito ayaa haatan sheegaya in Enrique ay doonayaan mulkiilayaasha cusub ee Chelsea oo ay durba xidhiidh la sameeyeen.
Warbixinta ayaa sheegaysa in Chelsea wadahadalka la bilawday Luis kahor Koobka aduunka oo ay qorshaynayso inay qandaraas saddex sano ah oo uu sanadkii 12 Milyan oo euro ku qaadanayo u bandhigto.
Dhawaan ayay ahayd markii Potter uu saxeexay heshiis shan sano ah oo ilaa 2027 gaadhsiisan iyadoo kooxdu u ballanqaaday wakhti uu mashruuc ku dhiso.