Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

LAMA FILAAN: Arsenal Oo La Wareegaysa Eden Hazard Oo Shandaddiisa Ka Xidh-xidhay Real Madrid

by Abdiwahab Ahmed
January 10, 2023
0
LAMA FILAAN: Arsenal Oo La Wareegaysa Eden Hazard Oo Shandaddiisa Ka Xidh-xidhay Real Madrid

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu soo warramayaa in ay la saxeexan doonto xiddiga ku dhibaatoonaya Real Madrid ee Eden Hazard, haddii ay ku guuleysan waayaan laacibka ay raadinayaan ee Mykhaylo Mudryk.

ADVERTISEMENT

Gunners oo toddobaadyadii ugu dambeeyey waqti badan ku bixinaysay sidii ay la saxeexan lahayd Mudryk ayaa laba jeer ay Shakhtar Donetsk ka diidday dalabyo ay u gudbisay, waxaanay kooxda reer Ukraine dalbanaysaa €100 milyan oo Euro.

Wararka laga helayo waddanka Spain ayaa waxay sheegayaan, in tababare  Mikel Arteta uu la saxeexan doono Eden Hazard haddii uu waayo Mudryk oo ay isku haystaan Chelsea inkasta oo ay Blues la saxeexatay Joao Felix oo galabta gaadhay magaalada London.

Warbaahinta MediaFoot ayaa sheegtay in ay xog ku hayso, in Arsenal ay diiraddeedu saaran tahay Eden Hazard oo qandaraaskiisa Real Madrid ay ka hadhsan yihiin 18 bilood laakiin ay Los Blancos diyaar u tahay inay ku fasaxdo lacag aad  u hoosaysa amaba ay ogolaanayso inay amaah ku dirto illaa dhamaadka xilli ciyaareedka, isla markaana xagaaga la iibiyo.

ADVERTISEMENT

Tababare Carlo Ancelotti ayaa la sheegay inuu ku wargeliyey Eden Hazard in aanu ka sugin boos uu ka ciyaaaro iyo waqti uu siiyo intaba, sidaas darteedna uu raadsado koox uu u wareego.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

32 jirkan ayaa xilli ciyaareedkan socda waxa uu Real Madrid u dheelay toddoba kulan oo kaliya oo uu waliba intooda badan kusoo galay beddel, halka dhamaan intii uu kooxda joogayna uu u saftay 73 ciyaarood oo kaliya oo uu u dhaliyey toddoba gool iyo 11 kale oo uu caawiyey. Eden Hazard ayaa waxa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxda reer Turkey ee Fenerbahce.

ADVERTISEMENT
Share496Tweet310
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.