Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Lacagta La Siinayo Garsooreyaasha Koobka Adduunka Oo La Shaaciyey

by Abdiwahab Ahmed
November 20, 2022
0
Lacagta La Siinayo Garsooreyaasha Koobka Adduunka Oo La Shaaciyey

Garsooreyaasha ugu wanaagsan dunida ayaa intooda badan ku sugan waddanka Qatar oo ay FIFA usoo xushay inay dhax-dhaxaadiyaan ciyaaraha Koobka Adduunka ee maanta bilaabmaya. FIFA ayaa soo xulatay garsooreyaasha ugu khibradda iyo go’aamada wanaagsan, waxaanay garsooreyaasha nasiibka u yeeshay inay tagaan Qatar ay heli doonaan lacago badan.

ADVERTISEMENT

36 garsoore ayay FIFA u magacowday Koobka Adduunka ee sannadkan, waxaana mid walba la siinayaa lacag duuduub ah oo gaadhaysa 70,000 dollar oo ah inay tartanka ugu weyn qabanayaan, iyadoo calanwadeyaashana loo shubay min $25,000 dollar.

Laakiin intani waa mushahar oo kale, waxaana jiraya lacago kale oo ku xidhnaanaya kulamada ay qaybtaan, waxaanay lacagahaasi ugu yaraan saddex jibbaar ka badan yihiin inta la siiyo garsooreyaasha tartanka UEFA Champions League.

Garsooraha dhaxe ayaa waxa ay FIFA siinaysaa $3,000 dollar wareegga hore ee group-yada, waxayna lacagtaasi kordhi doontaa marka la gaadho wareegga xiga ee 16ka, iyadoo isasii tari doonta illaa finalka oo ciyaarta ugu dambaysa garsooraha haya uu ku qaadan doono $10,000. Siidhiwalaha nasiibkiisu shaqeeyo ee si joogto ah maalin walba u shaqeeya, waxa lacagta uu xoogsanayaa ay gaadhi kartaa  illaa $300,000 dollar.

ADVERTISEMENT

Labada calan-wade ayaa waxa iyagana mid walba la siin doonaa $2,500 halkii ciyaar ee ay qabtaan, kuwa finalka shaqaynaynaya waxay heli doonaan min $5,000, iyadoo kuwooda sida xidhiidhka ah u shaqeeya maalin walba ay lacagta ay ka xoogsanayaan tartanku ay gaadhi karto illaa $150,000 dollar.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Garsooraha afraad ayaa waxa lacagtiisa maalinlaha ah ay la mid tahay midda calanwadeyaasha, hase yeeshee waxa waxyar ka  badan garsooraha VAR.

ADVERTISEMENT
Share328Tweet205
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.