Bilyaneerada ree Qatar ee iska leh mulkiyada kooxda Paris Saint-Germain ayaa isku diyaarinaya inay maal gashadaan dhinaca horyaalka Premier League.
Nasser El Khelaifi, madaxweynaha PSG oo sidoo kale ah guddoomiyaha Qatari Sports Investment ayaa gudaha toddobaadkan la kulmay guddoomiyaha kooxda Tottenham ee Daniel Levy.
Si lamid ah Tottenham, kooxaha kale ee ay isha ku hayso QSI isla markaana ay maalgelin karaan midkood haddii ay Tottenham ku qanci waayaan ayaa ah Man United iyo Liverpool.
Sida uu sheegayo wargeyska The Telegraph, dalab ay QSI u gudbiyeen Spurs ayaa ah mid ka hooseeya 1 Bilyan oo poun doo ay ku doonayaan 25% kamida kooxda.
Bishii October ayay ahayd markii Qatar Sports Investment ay 22% kamida kooxda ree Portugal ee Braga ku iibsadeen 90 Milyan oo pound, waa kooxdii labaad ee ay wax ku leeyihiin kaddib PSG oo ay 2011-kii la wareegeen.
QSI ayaa raacaya mid lamida siyaasada Bilyaneerada Imaaraadka kasoo jeeda ee City Group oo iska leh kooxo badan oo ay ugu caansan tahay Manchester City.
Sababta aysan u wada iibsan karin Tottenham amaba koox kale oo Premier League ah ayaa ah xeerka UEFA ee ah inaysan tartamada Yurub iskaga hor iman karin laba kooxood oo cidi si buuxda u wada leedahay.