Tababare Erik ten Hag ayaa laba arrimood ka dalbaday ciyaartoyda kooxdiisu inay sameeyaan kulankii Sabtidii ay ku garaaceen Manchester City, taas oo keentay inay si weyn sare ugu soo kacaan oo ay kaalinta saddexaad isku ballaadhiyaan iyaga oo dhibic kaliya ka dambeeya City.
United ayaa dirtay farriin culus oo ah in ay si dhab ah ugu tartamayaan horyaalka, iyadoo falsafaddii Erik ten Hag ay shaqaysay kulankii City ay guusha soo laabashada ah ka gaadheen Man City.
Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford ayaa Man United u dhaliyey labada gool taas oo meesha ka saartay gool uu Man City hoggaanka ugu dhiibay Jack Grealishi.
Raphael Varane ayaa shaaciyey laba arrimood oo uu tababare Erik ten Hag ka dalbaday ciyaartoydiisa ka hor kulankaas taas ayaana uu rumaysan yahay in ay sabab u ahayd guusha ay saddexda dhibcood ku heleen.
“Waxay ahayd ciyaar fiican oo aanu aad iskugu diyaarinay farsamo ahaan iyadoo uu tababarahagu na hagayo. In badan ayaanu ka hadalnay ciyaartan.” Ayuu yidhi Raphael Varane.
Isaga oo sharraxaya labadii arrimood ee uu Ten Hag ka dalbaday ciyaartoydiisa waxa uu Varane yidhi: “Waxa uu naga dalbaday in aanu cidhiidhino markayaga, sidoo kalena aanu daboolno meelaha bannaan ee ay mari karayaan. Waanu ogeyn in ay na dhaawici karayaan anaguna waxa aanu haysanay ciyaartooyo afka hore ah oo dheeraynaya. Waxa aanu ka faa’iidaysanay ciyaartoydayada xawaaraha dheereeya.”