Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Labada Xiddig Ee Xavi Uu U Xushay Beddelka Sergio Busquets Iyo Midka Uu Doortay

by Abdiwahab Ahmed
December 12, 2022
0
Labada Xiddig Ee Xavi Uu U Xushay Beddelka Sergio Busquets Iyo Midka Uu Doortay

Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa kala doortay labada ciyaartoy ee uu midkood ku beddelayo kabtanka kooxdaas ee Sergio Busuqets oo la filayo inuu iskaga tago Camp Nou dhamaadka xilli ciyaareedkan oo uu ku egyahay qandaraaskiisu.

ADVERTISEMENT

Barcelona ayaa aad loola xidhiidhinayaa khadka dhexe ee xulka Portugal iyo kooxda Wolves ee Ruben Neves oo mar la sheegay in ay Barca xidhiidh la samaysay, sidoo kalena ogaatay qiimihiisa, hase yeeshee waxa isaguna magaciisu caan ka noqday xafiisyada maamulka Barcelona oo in muddo ah lagaga doodayay.

Xavi Hernandez ayaa kaadhkiisa ciyaaray oo qiimayn gaar ah ku sameeyey labadan ciyaartoy, ka hor intii aanu kala dooranin waxaana uu ka eegay da’da, la-jaanqaadista kubadda tiki-taka ee ay kooxdiisu ciyaarto iyo fahamka dabeecadda.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo ee kasoo baxa Spain, tababare Xavi ayaa waxa uu doortay xiddiga reer Spain ee Zubimendi oo uu u sheegay maamulka kooxda in ay u keenaan, iskana daayaan Ruben Neves.

ADVERTISEMENT

Zubimendi oo qandaraaskiisa Real Sociedad uu soconayo illaa laga gaadhayo sannadka 2026, ayaa waxa lagu burburin karayaa heshiiskiisa lacag gaadhaysa €60 milyan oo Euro, waxaase kula tartamaya kooxo dhawr ah oo ay ku jirto Manchester United.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Dhinaca kale, Neves ayay Barcelona ku heli kartaa lacag ka hoosaysa inta ay Real Sociedad ku xidhay Zubimendi, sababtoo ah qandaraaskiisa Wolves ayaa ku eg xagaaga  2024 oo sannad iyo badh ka hadhsan tahay, waana  sababta ay kooxda horyaalka Premier League u doonayso inay iibiso ka hor inta aan la gaadhin waqtigaas si aanu bilaash ugaga tegin.

ADVERTISEMENT
Share323Tweet202
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.