Tababare Luis Enrique ayaa ku qasbanaaday inuu beddelo qorshihiisa ciyaareed kulankii ay Costa Rica ku xasuuqeen Arbacadii, taas oo ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin uu naqasku ku dhagay laba ka mid ah ciyaartoydiisa oo u adkaysan kaari waayey cimilada kulul ee Qatar.
Spain oo 7-0 ku xsuuqday Ecuador ayaa waxa uu tababare Luis Enrique sameeyey isbedello aanu markii hore ku talo-gelin, waxaana uu kaydka dhigay ciyaartooyo uu qorshuhu ahaa inuu kusoo bilaabo.
Difaaca midig ee Dani Carvajal ayaa dareemay in aanu si fiican u neefsan karayn, sidoo kalena waa uu qufacayey iyadoo cimillada aadka u kulul ee Qatar uu ku dhibaatooday, waxaanay taasi keentay in Luis Enrique uu kaydka geliyo, isla markaana booskiisii difaaca midig uu ka ciyaarsiiyo Cesar Azpilicueta.
Ciyaartaas oo ka dhacday garoonka Al Thumama Stadium ayaa waxa sidoo kale dhibaato dhinaca neefsiga ah dareemay weeraryahanka qaybtii dambe beddelka ku yimid ee Alvaro Morata oo isagana kaydka la dhigay laakiin qaybtii dambe lagu beddelay Ferran Torres.
Dani Carvajal iyo Morata ayaa waxay ku dhibaatoodeen qaboojiyeyaasha ku xidhan garoonka Al Thumama Stadium maadaama cimilladu gaadhsiisnayd 32 digrii, inkasta oo garoonka gudihiisa ay ka ahayd 23 digrii maadaama qaboojiyeyaal ku xidhan yihiin.
Morata ayaa markii uu soo galay waxa uu caawiyey gool uu dhaliyey Gavi ka hor intii aanu isaguna hal gool saxeexin, hase yeeshee Dani Carvajal ayaa kursiga kaydka ku dhamaystay oo aan ka mid noqon xiddigaha beddelka ku yimid ciyaarta.