Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Dhaawac Iyo Xanuun Kaga Maqan Xulka Qaranka England Ee Isku Diyaarinaya Kulanka Faransiiska

by Abdiwahab Ahmed
December 7, 2022
0
England training

England training

Xulka qaranka England ayaa maanta sameeyey tababar ay iskugu diyaarinayaan kulanka adag ee Faransiiska ay Sabtida foodda isku darayaan wareegga siddeedda Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Tababare Gareth Southgate ayaa helay dhamaan ciyaartoydiisa marka laga reebo afar ciyaartoy oo laba ay dib ugu noqdeen England, isla markaana midkood xaqiijiyey in aanu ciyaari doonin, midka kalena uu shuruudo ku xidhay inuu soo laabto iyo labada kale oo xanuun iyo dhaawac ku maqan.

Xiddigaha xulka England oo ogsoon shaqada adag ee sugaysa ee ah inay iska dhiciyaan xulka France ee ku hubaysan weerarka khatarta badan sida Mbappe, Dembele, Giroud iyo Griezmann, ayaa waxa tababarkoodii maanta kala dhantaalay laba ciyaartoy oo meel weyn kaga jira qorshaha tababare Southgate ee Koobka Adduunka.

Xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice ayaa tababarkii maanta aan kasoo xaadirin oo ka maqnaa, kaddib markii uu ku dhacay xanuun aan faahfaahin badan laga bixin, waxaana warbaahinta Ingiriisku ay sheegtay in aan la hubin inuu taam u noqon doono ciyaarta Sabtida ee France iyo in kale.

ADVERTISEMENT

Rice oo ay da’diisu tahay 23 jir ma ahayn ciyaartoyga kaliya ee ka maqnaa tababarkii maanta, waxaase sidoo kale aan joogin weeraryahanka kooxda Newcastle ee Callum Wilson oo la sheegay inuu ku maqan yahay dhaawac kasoo gaadhay tababarkii Isniintii.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023

Dhinaca kale, waxa xulka qaranka England ka maqan oo aan kusoo laabanin Raheem Sterling oo ka hor ciyaartii Senegal ee wareegga 16ka Koobka Adduunka dib ugu laabtay London kaddib markii ay budhcad hubaysan u dhacday gurigiisa oo ay xaaskiisa iyo carruurtiisu joogaan.

Sterling ayaa sheegay in aanu dib ugu laabanayn xulka England illaa inta ay boolisku damaanad qaadayaan in amniga gurigiisu uu sugan yahay oo aan mar dambe la weerari doonin.

Waxa ka horreeyey oo sababo shaqsi ah xulka England uga baxay difaaca Arsenal ee Ben White oo xidhiidhka kubadda cagta Ingiriisku uu xaqiijiyey in aanu dib usoo laaban doonin.

ADVERTISEMENT
Share386Tweet241
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.