Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Dhaawac Ah & Kylian Mbappe Oo Loo Diiday Inuu Kubadda Laado Ka Hor Ciyaarta Morocco

by Abdiwahab Ahmed
December 12, 2022
0
Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Dhaawac Ah & Kylian Mbappe Oo Loo Diiday Inuu Kubadda Laado Ka Hor Ciyaarta Morocco

Tababarka xulka qaranka France ee maanta ayaa waxa ka maqnaaday laba ciyaartoy oo muhiim ah oo aan qayb qayb ka ahayn isku-diyaarinta ciyaarta semi-finalka Koobka Adduunka ee ay iskaga hor  imanayaan Morocco. Waxa kale oo aan wax kubbad ah laadin Kylian Mbappe oo isaguna qaba dhaawac.

ADVERTISEMENT

Les Bleus oo gool cidhiidhi ah oo 2-1 ah Sabtidii kasoo gaadhay England, ayaa waxay Arbacada wada ciyaarayaan Morocco oo uu midkood iska xaadirin doono finalka.

Didier Deschamps oo mar horeba xulkiisa uu radaagaadiyey dhaawacyo oo liiskiisa ay ka baxeen Karim Benzema, Paul Pogba, N’Golo Kante iyo Christopher Nkunku oo dhamaantood tartanka seegay ayaa waxa uu maanta indhihiisa ku arkay xaalad ka walaacsiisay.

Mbappe 1

ADVERTISEMENT

Aurelien Tchouameni oo ah halbowlaha khadka dhexe ee kubadda burburiya, isla  markaana dhaliyey goolkii koowaad ee kulankii England ayaa uu soo gaadhay dhaawac muruqa ah, waxaana uu ka maqnaa tababarkii maanta.

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

February 7, 2023
DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023

Wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa sheegay, in Tchouameni uu dhaawac ku dhamaystay ciyaartii England taasina keentay inuu seego tababarkii maanta,  hase yeeshee waxa uu rajaynayaa in uu ciyaari doono kulanka Morocco oo uu taam u noqon doono.

Tchouameni

Waxa kale oo tababarkii maanta ka maqnaa difaaca dhexe ee Dayot Upamecano oo kulankii England ka garab ciyaarayay Raphael Varane, waxaana sababta maqnaanshihiisa lagu sheegay xanuun cunaha kaga dhacay oo aan faahfaahin badan laga bixin.

L’Euqipe ma aanu sheegin in Upamecano uu soo noqon doono iyo in kale, hase yeeshee haddii uu awoodi waayo in uu soo laabto waxa beddelkiisa uu Deschamps u kala dooran doonaa Ibrahima Konate iyo William Saliba.

ADVERTISEMENT

Dhinaca kale, Kylian Mbappe ayaa wali ka cabanaya dhaawacyo tan iyo bilowgii Koobka Adduunka uu qabay, waxaana maanta uu qaatay tababar fudud oo dhinaca jimicsiga ah, balse waxa kubbad ah ma aanu laadin.

Share534Tweet334
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Shandadiisa Ka Xidh-xidhay Man City

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa is-casilaya maalin kaddiib markii ay soo baxday fadeexaddii ugu xumayd...

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.