Real Madrid ayaa Jimcaha la ciyaaraysa Real Valladolid kulanka koowaad ee kaddib fasaxii Koobka Adduunka, waxaase la xaqiijiyey in Los Blancos ay ka maqnaan doonaan laba ciyaartoy oo muhiim ah oo khadka dhexe ah.
Carlo Ancelotti ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyey ay ciyaartoydiisu isku diyaarinayeen garoonka tababarka ee Valdebebas, balse waxa horraantii toddobaadkan kula soo biiray xiddigihii kasoo laabtay koobka adduunka.
Los Blancos oo laba dhibcood ka hoosaysa Barcelona oo hoggaanka horyaalka haysa, ayaa haddii ay guuleysato waxay si ku-meelgaadh ah ula wareegi doontaa hoggaanka maadaama ay Barcelona Sabtida la ciyaari doonto kooxda ay isku magaalada yihiin ee Espanyol.
Sida uu sheegay wargeyska Diario AS, inta badan ciyaartoyda Real Madrid ayaa taam ah oo si buuxda usoo laabtay, hase yeeshee waxa jira saddex ku habsaamay fasaxii Koobka Adduunka oo kaliya soo maanta oo Khamiis ah soo gaadhay garoonka tababarka kooxdaas.
Luka Modric oo xulkiisu uu kaalinta saddexaad ka galay Koobkii Adduunka iyo labada laacib ee reer France ee Aurelien Tchouameni iyo Eduardo Camavinga, ayaa tababarka bilaabay Khamiista maanta, waxaana sida Diario AS ay sheegayso suurtogal ah in la fadhiisiyo oo aanay kusoo bilaabanin ciyaarta Jimcaha berri.
Ancelotti ayaa khadka dhexe ka ciyaarsiin doona Federico Valverde iyo Toni Kroos oo lagu soo dari doono laacibka boos la’aanta ah ee Dani Ceballos.