Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Laba Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Ku Dagaallamay Garoonka Dhexdiisa Kulankii Crystal Palace

by Abdiwahab Ahmed
January 19, 2023
0
Laba Ciyaartoy Oo Manchester United Ah Oo Ku Dagaallamay Garoonka Dhexdiisa Kulankii Crystal Palace

Manchester United uma aanay ahayn habeen wanaagsan markii ay booqdeen Crystal Palace oo ay lasoo galeen barbarro 1-1 ah, iyaga oo waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ay Palace keensatay goolka barbarraha.

ADVERTISEMENT

Red Devils ayaa iska lumisay fursad ay kula wareegi lahayd kaalinta labaad ee horyaalka Premier League oo ay waliba lix dhibcood ugu jirsan lahaayeen Arsenal oo ay Axadda wada ciyaari doonaan, waxaana jallaafo u dhigtay Crystal Palace oo laba dhibcood ka lumisay taas oo ka dhigan in United ay isku dhibco yihiin Man City oo ay min siddeed dhibcood ka dambeeyaan Arsenal.

Intii ay socotay ciyaartii Selhurst Park ee xalay, laba ka mid ah ciyaartoyda Manchester United ayaa isku dhacay oo isku laayey garoonka dhexdiisa inkasta oo aanay gacan iskulaa tegin. Xiddiga dabeecadda xun ee Antony iyo laacibka  caadifadda badan ee Bruno Fernandes ayaa isku dhacay qaybtii hore, waxaana iyadoo ay kaamirooyinka garoonku hayaan ku marmeen gegida dhexdeeda.

Kaamirooyinka garoonka ayaa soo qabtay daqiiqadihii ugu dambeeyey qaybta hore iyadoo Antony iyo Fernandes ay is-dhaafsanayaan ereyo cadho ka muuqato kaddib markii ay iska lumiyeen kubbad ay si fiican usoo dhiseen weerarkeeda, waxaana dhacdadan ka falceliyey taageereyaasha kubadda cagta.

Mid ka mid ah taageereyaasha ayaa kusoo qoray bartiisa Twitter-ka: “Antony iyo Bruno Fernandes garoonka ayay isku dhax caayayaan. Waan jecelahay in aan arko sidan oo kale.”

Taageere kale ayaa isaguna yidhi: “Antony iyo Bruno Fernandes waxay ku murmayaan baas qaldamay.”

Mid kale ayaa isaguna soo qoray: “Antony-oow, muran haku bilaabin Bruno Fernandes, sababtoo ah adiga ayuun baa ku guul-darraysanaya ninkaas.”

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Share376Tweet235
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.