Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

LABA Casaan Oo Midkood Laga Noqday, Laba Gool Oo La Iskugu Jawaabay & Musalsalkii Kulankii Barcelona & Espanyol Ee Garsooruhu Dhabqiyey

by Abdiwahab Ahmed
December 31, 2022
0
LABA Casaan Oo Midkood Laga Noqday, Laba Gool Oo La Iskugu Jawaabay & Musalsalkii Kulankii Barcelona & Espanyol Ee Garsooruhu Dhabqiyey

Kooxaha isku magaalada ah ee Barcelona iyo Espanyol ayaa dhibcaha ku wadaagay garoonka Camp Nou kulan khalkhal kusoo dhamaaday oo ay laba casaan ah iyo laba gool la iskugu jawaabay, laakiin ay qosolka ku dambaysay kooxda martida ahayd ee Espanyol.

ADVERTISEMENT

Barcelona ayaa gool la hormartay daqiiqaddii toddobaad ee bilowga ciyaarta, waxaana kubbad ay isku dhiibeen labada difaac ee Alonso iyo Christensen ay ugu dabbaal-dageen garoonkooda.

Laakiin qaybtii dabe ayaa rikoodhe loo dhigay Espanyol uu gool u beddelay Joselu ka hor intii aanay ciyaartu gelin khalkhal uu garsooruhu laba casaan ku bixiyey saddex daqiiqadood gudahood, kuwaas oo midkood uu ka laabtay.

Espanyol

ADVERTISEMENT

Ciyaartan oo inteeda badan ay maamulaysay Barcelona ayaa waxa fursadobadan khasaariyey Ansu Fati iyo Lewandowski iyadoo si weyn ay u tabayeen saamaynta Ousmane Dembele oo kaydka la dhigay maadaama uu waqti dambe kasoo laabtay fasaxa Koobka Adduunka.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Ciyaarta oo lix daqiiqadood socota ayaa Barcelona  loo dhigay laad xor ah oo uu gool u beddelay Marcus Alonso, waxaana uu goolkaasi ahaa midka kaliya ee ka dhashay qaybtii hore ee ciyaarta.

Barca 1

Alonso ayaa ku dhowaaday inuu gool labaad dhaliyo ciyaarta oo maraysa 18 daqiiqadood, waxaana kubbad uu soo dhigay Alba uu ku qabtay goolka isaga oo adeegsanaya lugtiisa bidx, isla  markaana lix yard oo kaliya u jiray shabaqa balse kubadda ayuu dhinac mariyey birta.

Kooxda martida ee Espanyol ayaa niayd-jab weyn kujirtay qaybtii hore ee ciyaarta, waxaanay awoodi waayeen inay ciyaaraan kubbad fiican iyo in difacoodu uu sameeyey qalad xun oo sababay goolka koowaad ee laga dhaliyey intaba.

ADVERTISEMENT

Lazo 1

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayuu Xavi sameeyey beddel aanu mahanin, waxaana uu keenay Sergio Busquets oo qaybtii hore fadhiyey isaga oo saaray Gavi oo tamartiisii la tabay markiiba, taas oo fursad u noqotay Espanyol oo kubadda la qabsatay islka markaana weerar badan soo qaadday.

Daqiiqaddii 71aad ayaa Espanyol loo dhigay rikoodhe kaddib markii uu Alonso qalad ku galay Joselu, waxaana rikoodhahaas gool u beddelay isla  laacibka keenay ee Joselu oo toogtay badhtamaha goolka halka uu goolhaye Ter Stegen isku tuuray dhinaciisa bidix.

Barcelona ayaa kaadh casaan ah lagaga saaray difaacooda Jordi Alba iyadoo garsoore Lahoz uu farraqayay kaadhadhkiisii dunidu ka yaabtay Koobkii Adduunka, hase yeeshee saddex daqiiqadood kaddib ayuu mar kale Lahoz kaadh casaan ah bixiyey, waxaanu ciyaarta ka saaray difaaca Espanyol ee Souza.

FlUG5VAX0AAA3tp

Kaadhkan labaad ayaa keenay in ciyaarta la joojiyo isla markaana la soo hubiyo Lewandowski oo ku doodayay in uu Souza madaxa ka laaday, ugu dambayntiina waxa lagu qasbanaaday in kaadhkan uu garsooruhu ka laabto markii uu ku qancay in Lewandowski aanu laad  ku dhicin.

Goolhaye Alvaro Fernandez ayaa laba fursadood oo dahabi ahaa ka joojiyey Lewandowski iyo Christensen, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 1-1 ay dhibcaha ku wadaageen kooxaha isku magaalada ah.

Xavi Hernandez oo aad uga gadooday go’aamada garsooraha ayaa kaadh digniin ah lagu aamusiiyey, sidoo kalena waxa uu kursiga kydka kaadh ku siiyey Raphinha, iyadoo intii ay ciyaartu socotay uu garsoore Mateu Lahoz bixiyey 14 kaadh.

Barbarraha ay Barcelona gashay ayaa ka dhigan in ay dib ugu soo noqotay hoggaanka horyaalka oo ay la simantay Real Madrid oo xalay dhibic dhaaftay, balse waxay Barcelona ku horreysaa farqiga goolasha iyaga oo min 38 dhibcood haysta.

Share331Tweet207
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.