Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Laacibkii Noqday Xiddiga Garoonka, Xiddigii Ugu Xumaa Ciyaarta, Sababtii Keentay Guuldarada Man United & Qiimeynta Ciyaartoyda

by Saed Mohamed
January 22, 2023
0
Arsenal Oo Ka Aargoosatay Man United, Nkitiah Oo Cashar U Dhigay Red Devils & Gunners Oo SHAN Dhibcood Ku Qabatay Hogaanka

Man United ayaa si weyn uga qoomameysay maqnaanshaha Casemiro oo ganaax ku maqnaa kulankii maanta ka dib markii laga qabsaday khadka dhexe taasoo keentay in culeys weyn uu koro daafacooda.

ADVERTISEMENT

Odegaard ayaa noqday mashiinka khadka dhexe isagoo cagta la maray xiddigaha Man United islamarkaana fursado u abuurayay weerarka Arsenal. Sababta ugu weyn ee Man United maanta looga badiyay ayaa aheyd maqnaanshaha Casemiro waxaana cadaatay inay ku tiirsan yihiin xiddiga reer Brazil.

Tababare Erik ten Hag waxaa dhaaftay fursad aheyd inuu labo burburiye khadka dhexe ku dheela sida McTominay iyo Fred laakiin wuxuu doortay inuu McTominay iyo Eriksen ku soo bilaabo taasoo fursad weyn u noqotay Gunners oo aakhirkii 3-2 ku garaacday Manchester United.

Arsenal iyadoo xilli ciyaareedka uu kala bar u marayo ayay leeyihiin 50 dhibcood, 19 sannadood ka dib waxay ku dhow yihiin hashada Premier League. Xaqiiqdiina waqtigaan oo kale xilli ciyaareedkii ay guuldarro la’aanta ku qaadeen horyaalka ee 2003-04 waxay lahaayeen 45 dhibcood.

ADVERTISEMENT

XIDDIGA GAROONKA

Bukayo Saka (Arsenal) Inkastoo Eddie Nkitiah dhaliyay labo gool hadana Bukayo Saka ayaa ahaa xiddigii ugu fiicnaa garoonka isagoo weerar joogta ah ku hayay Manchester United, wuxuu dhaliyay hal gool, wuxuu sidoo kale garaacay birta, wuxuuna ahaa halis joogta ah mar kasta uu weerar qaado.

Sidoo Kale Akhri

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

January 28, 2023
DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

January 28, 2023

Ciyaartoyda kale ee wacdarraha u dhigay Gunners waxaa ka mid ah Nketiah, Odegaard, Partey iyo Zinchenko oo qiimeyn sarre ku helay ciyaartaan.

XIDDIGIHII UGU LIITAY

Madaama Man United laga qabsaday khadka dhexe waxaa kulankaan ku fashilmay McTominay iyo Christian Eriksen, sidoo kale waxaa isna aad u liitay Wan-Bissaka oo qalad ku lahaa goolkii Eddie Nkitaih uu ciyaarta ku barbareeyay.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Arsenal: Ramsdale 6, White 5, Gabriel 6, Saliba 6, Zinchenko 7, Partey 7, Xhaka 6, Odegaard 7, Saka 8, Nketiah 8, Martinelli 6.

Bedel: Tomiyasu 6, Trossard 6, Holding 6.

ADVERTISEMENT

Man United: De Gea 6, Wan-Bissaka 5, Varane 6, Martinez 6, Shaw 5, McTominay 5, Eriksen 5, Bruno 6, Antony 6, Weghorst 6, Rashford 6.

Bedel: Fred 6, Garnacho 6.

Share786Tweet492
ADVERTISEMENT

Related Posts

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Girona v Barcelona – Catalan Derby – Barca Oo Kooxda Jaarkeeda Guul Ka Doonaysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Barcelona ayaa maanta booqasho gaaban ugu tagaysa kooxda ay gobolka Catalonia wada degaaan ee Girona oo ay ku booqanayso Estadi...

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

DEG DEG: Moises Caicedo Oo Afka Furtay Kana Baryay Brighton Inay Ka Iibiyaan Arsenal

by Saed Mohamed
January 28, 2023
0

Moises Caicedo ayaa soo saaray warbixin uu ugu baaqayo kooxdiisa Brighton inay u ogolaadaan inuu baxo bishaan Janaayo inta uu...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.