Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Laacibkii Noqday Xiddiga Garoonka, Rikoodhkii Arsenal Laga Horistaagay & Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Arsenal & Newcastle

by Saed Mohamed
January 4, 2023
1
Laacibkii Noqday Xiddiga Garoonka, Rikoodhkii Arsenal Laga Horistaagay & Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Arsenal & Newcastle

Arsenal ayaa madax xanuun ka qaaday kulankii Emirates Stadium iyadoo Newcastle ay soo bandhigtay inay ka go’an tahay inay Champions League u soo baxaan xilli ciyaareedka soo socda.

ADVERTISEMENT

Barbaraha waxa uu Arsenal ka horistaagay rikoodhka guushii 10aad oo isku xigta oo ay ku gaaraan gurigooda horyaalka Premier League.

Xogta kale ee kulankaan laga diiwaangeliyay waxaa ka mid ah in Arsenal ay ku guuldareysatay markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan inay gurigeeda Emirates ku badiso horyaalka.

Newcastle ayaa iyagana soo bandhigtay sababta ay yihiin kooxda ugu difaaca adag Premier League xilli ciyaareedkan iyagoo shabaqa ilaashaday 10 kulan, waxaana laga dhaliyay kaliya 11 gool xilli ciyaareedkan.

ADVERTISEMENT

Dhibicda ay ka qaateen Arsenal waxay la micno tahay inay haatan marayaan kulankii 13aad oo aan laga badinin, waxayna ugaarsi xoogan ugu jiraan inay ku dhameystaan afarta sarre.

Sidoo Kale Akhri

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023
Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023
Tababare Eddie Howe ayaa isna markii ugu horeysay ka badbaaday guuldarada ku soo gaarta garoonka Arsenal todoba kulan uu soo booqday.

XIDDIGA GAROONKA

Bukayo Saka (Arsenal). Weeraryahanka ayaa halis ahaa intii ay ciyaarta socotay oo dhan, wuxuuna neefta ku dhejiyay Dan Burn oo habeen adag ku qaatay Emirates Stadium.

Xaqiiqdiina xiddiga Newcastle ayaa ka mahad naqay in asxaabtiisa kale ee Newcastle inay ka caawiyeen inay la celiyaan Biukayo Saka, iyagoo u diiday inuu shabaqa soo taabo.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

ARSENAL: Ramsdale 7, White 6, Saliba 7, Gabriel 7, Zinchenko 6, Xhaka 7, Partey 7, Saka 8, Odegaard 7, Martinelli 7, Nketiah 7.

Bedel: Tomiyasu 6.

ADVERTISEMENT

NEWCASTLE: Pope 7, Trippier 7, Botman 7, Schar 7, Burn 7, Willock 7, Longstaff 7, Guimaraes 7, Almiron 6, Wilson 6, Joelinton 7.

Bedel: Wood 6, Murphy 6, Saint-Maximin n/a.

Share370Tweet231
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

Comments 1

  1. Hillowle nur says:
    1 month ago

    Ciyaarta waxay aheed mid fican laakin waxaan dhalilsanahay VRA oo rigoore udiday Arsenal

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.