Waxaa sii korodhay musiibada ay ku jirto Chelsea xilli ciyaareedkan iyagoo dhibco isku mid ah u kala jira booska loogu soo baxayo Champions League ee kaalinta afaraad iyo booska lagu haro ee kaalinta 18aad.
Waxay 10 dhibcood ka sareeyaan Everton halka ay 10 dhibcood ka hooseeyaan Manchester United ka dib guuldaradii caawa ka soo gaartay Manchester City.
Chelsea waxay badisay kaliya hal kulan sideedii kulan ee ugu danbeysay horyaalka Premier League halka Man City ay kulankii afaraad oo isku xigta ay ka badisay Chelsea.
Waxaa guuldarada uga sii xun dhaawacyada sii kordhaya ee soo gaaraya kooxda ka hor kulankii caawa waxaa dhaawacmay Mason Mount halka ay 20kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta ay ka dhaawacmeen Raheem Sterling iyo Christian Pulisic taasoo ka dhigeysa in wadar ahaan ay sideed xiddig ay ka dhaawacan yihiin.
XIDDIGA GAROONKA
John Stones (Manchester City): Ma jirin ciyaartooy badan oo labada kooxood ah gaar ahaan weerarka oo wacdarro dhigay kulankii caawa sidaasi darteed amaanta waxaa mudan difaacyada gaar ahaan John Stones.
Xiddiga Ingariiska waxa uu sameeyay taakal cajiib ah oo ku joojiyay Christian Pulisic oo u dhawaa inuu shabaqa soo taabto, waxaa intaas sii dheer in Stones iyo asxaabtiisa ay ku guuleysteen inay aamusiyaan Kai Havertz iyo Pierre-Emerick Aubameyang, wuxuuna ku hogaamiyay Man City kulankoodii labaad oo ay shabaqa ilaashadeed sideedii kulan ee ugu danbeysay Premier League.
QIIMEYNTA CIYAARTOYDA
CHELSEA: Kepa 6; Azpilicueta 6, Koulibaly 6, Silva 6, Cucurella 5; Pulisic 6, Kovacic 6, Zakaria 6; Sterling n/a, Havertz 5, Ziyech 6.
Bedel: Aubameyang 5, Chukwuemeka 7, Hutchinson 6, Gallagher 6, Hall 6
MANCHESTER CITY: Ederson 6; Walker 6, Stones 8, Ake 6, Cancelo 6; Rodri 6, De Bruyne 7, Gundogan 7; Bernardo Silva 6, Haaland 6, Foden 5.
Bedel: Lewis 6, Akanji 6, Grealish 7, Mahrez 7, Phillips n/a