Tababare Carlo Ancelotti kuma faraxsanayn daafaca kooxdiisa kulankii Villarreal guuldarradu kasoo gaadhay dhawaan, waxa uu aaminsanaa in daafaciisu aad u furan yahay.
Mid kamida xiddigaha eedaynta la kulmay ciyaartaas kaddib ayaa ah daafaca dhexe ee Antonio Rudiger kaas oo wakhti adag ku qaatay kahor tagista weeraryahan Gerard Moreno oo caawin iyo gool kala baxay kulanka.
Rudiger ayaysan bandhigyadiisu u fiicnayn sidii laga filayay tan iyo markii uu qaabka bilaashka ah ugaga yimid Chelsea xagaagii.
Sida uu sheegayo wargeyska Fichajes, Rudiger ayuusan tababare Carlo ku faraxsanayn qaab ciyaareedkiisa bilihiisii ugu horreeyay ee kooxda isagoo aan dareensanayn inuu kulamada waaweyn ku tashan karo.
Iyadoo ay Real Madrid xiisaynayso saxeexa daafaca RB Leipzig ee Josko Gvardiol, wakhti ciyaareedka Rudi ayaa sii yaraan kara xilli ciyaareedka dambe.
Lamaanaha daafaca dhexe ee Eder Militao iyo David Alaba ayaa ah midka ay Los Blancos kusoo najaxeen xilli ciyaareedkii hore markii ay kusoo wada guuleysteen La Liga iyo Champions League.