Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Laacibka Ay Real Madrid Kaga Quusatay Kulankii El-Clasico Oo La Magacaabay

by Apdihakem Omer Adam
January 17, 2023
0
Laacibka Ay Real Madrid Kaga Quusatay Kulankii El-Clasico Oo La Magacaabay

Real Madrid ayaa habeen hore guuldarro 3-1 ah kala kulantay dhigeeda uu xifaaltanka kubaddeed kala dhaxeeyo ee Barcelona oo 3-1 kaga qaaday Spanish Supercopa.

ADVERTISEMENT

Barcelona ayaa kulanka ku hoggaaminaysay 3-0 kaddib goolal ka yimid Pablo Gavi, Robert Lewandowski iyo Pedri kahor inta uusan Karim Benzema gool usoo celin Madrid.

Los Blancos ayaa kulankaas ka ogaaday wax badan iyo sida ay boosas badan ugu baahan yihiin inay iska soo xoojiyaan suuqa xagaaga soo socda.

Booska ugu muhiimsan ee ay liidashada ka dareemeen kulankaas ayaa ah daafaca midig oo uu Dani Carvajal si weyn ugu fashilmay.

ADVERTISEMENT

Wargeyska Marca ayaa sheegaya in Madrid ay ka werwersan tahay qaab ciyaareedka 31 sano jirkaas oo xilli ciyaareedkii hore si fiican ku dhammaystay kana si fiican ku bilawday balse kaddib dhaawac gaadhay aan u muuqan midkii hore.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023

Wargeyska Marca ayaa sidoo kale Carvajal aragtidooda ka dhiibtay iyagoo ku dhaliilay inuusan jidh ahaan sidii hore ahayn gaar ahaana celin karin xiddigaha xawaaraha sarre leh.

Taageerayaasha Real Madrid ayaa doonaya oo dalbanaya in kooxda da’yarta laga soo dalacsiiyo Vinicius Tobias oo kaga yimid dhinaca Shakhtar Donestk daafaca midigna wacdarro uga dhigaya Castilla B.

Ugu dambayn, wargeyska kale ee COPE ayaa sheegay in muhiimada koowaad ee Los Blancos xagaaga dambe ay tahay saxeexa khadka dhexe ee Borussia Dortmund ee Jude Bellingham iyo daafac midig oo cusub.

Dani Carvajal puts up bleak numbers in 'disastrous' El Clasico peformance -  Football España

ADVERTISEMENT
Share342Tweet214
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.