Kylian Mbappe ayaa soo saaray digniin weyn oo la xiriirta Koobka Adduunka ka dib markii uu France ku hogaamiyay wareega sideed dhamaadka oo ay la ciyaarayaan England Sabtida.
Xiddiga Paris Saint-Germain ayaa haatan hogaanka u haya gooldhalinta ka dib markii uu labo gool dhaliyay kulankii ay 3-1 uga badiyeen Poland, isagoo haatan maraya shan gool.
23 jirkaan ayaa haatan indhaha si toos ah ugu haya xulka England oo iyaguna raadinaya koobkoodii ugu horeysay tan iyo sannadii 1966kii.
Wuxuu yiri: “Kani waa tartanka riyadeyda, ujeedka kaliya ee aan leeyahayna waa inaan mar kale ku guuleysto Koobka Adduunka.
“Waxa iigu muhiimsan hadda waa kulanka siddeed dhammaadka. Waa waxa kaliya aan diiradeyda saarayo.
“Waxa aan isku diyaarinayay tartankan xilli ciyaareedka oo dhan maskax ahaan iyo jidh ahaanba. Waxaan rabay inaan diyaar ahaado, waana ku faraxsanahay inaan halkaan joogo.
“Weli waxaan ka fognahay hadafkeena ugu dambeeya ee ah inaan ku guuleysano koobka.
“Laakiin waan ku faraxsanahay inaan badino kulankaan oo aan u gudubno wareega 8da.
“Uma iman Qatar inaan ku guuleysto kabaha dahabka ah ama kubbadda dahabka ah.
“Haddii aan helo iyaga waan farxi doonaa laakiin taasi maaha waxa aan halkan u joogo.
“Waxaan halkaan u joogaa inaan ka caawiyo kooxda Faransiiska inay ku guuleystaan Koobka Adduunka.”