Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Kylian Mbappe Oo U Codeeyay Cristiano Ronaldo Halisna Geliyay Carrada Saaxiibkiisa PSG Leo Messi

by Saed Mohamed
December 11, 2022
0
Kylian Mbappe Oo U Codeeyay Cristiano Ronaldo Halisna Geliyay Carrada Saaxiibkiisa PSG Leo Messi

Kylian Mbappe ayaa ugu codeeyay Cristiano Ronaldo inuu yahay xiddigii ugu weynaa abid ee kubada cagta ka dib markii uu faalo ka bixiyay qoraal uu xiddiga reer Portugal soo dhigay Instagram.

ADVERTISEMENT

Ronaldo iyo xulkiisa Portugal ayaa shalay oo Sabti aheyd waxaa Koobka Adduunka ka reebtay Morocco oo noqotay xulkii ugu horeeyay ee Afrika ee gaara semi-finalka Koobka Adduunka.

37 jirkaan ayaa ku guuldareystay inuu saameyn ku yeesho ciyaartii shalay oo uu bedel ku soo galay.

Waxay taasi keentay in Ronaldo uu oohin uga baxo garoonka iyadoo ay tahay koobkii shanaad ee uu niyadjab uga baxo.

ADVERTISEMENT

Maanta oo Axad ah ayuu weeraryahankii hore ee Manchester United baraha bulshada soo dhigay qoraal uu uga falcelinayo ciyaartaas isagoo sheegay in Koobka Adduunka uu ahaa riyadiisii ugu weyneyd abid.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

January 28, 2023
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

January 28, 2023

Dabcan dad badan ayaa faalo ka bixiyay qoraalkiisa, waxaana ka mid ah xiddiga Faransiiska Kylian Mbappe.

Weeraryahanka wuxuu soo dhigay seddex sawirada yaryar ee loo yaqaano emoji oo kala ahaa taajka boqorka, gacmo isa saarka iyo sawirka ariga oo u taagan GOAT (Greatest Of All Time) oo micnaheedu yahay Xiddigii Ugu Weynaa Abid.

Mbappe GOAT Ronaldo

Taageerayaasha Ronaldo ayaa si gaar ah uga farxady qoraalka Mbappe madaama xiddiga Faransiiska ay PSG iska garab ciyaaraan ninka ay Ronaldo xafiiltamaan ee Lionel Messi oo aan jecleysan doonin in Ronaldo loogu codeeyo xiddigii abid ugu weynaa kubada cagta.

ADVERTISEMENT

Mbappe ayaase ku soo koray isagoo taageere u ah weeraryahankii hore ee Real Madrid, sawiradiisa ayaa ugu dheganaan jiray darbiga qolkiisa jiifka markii uu 13 sanno jir ahaa.

Share472Tweet295
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal...

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

AC Milan ayaa iskaga baxday tartanka saxeexa Nico Zaniolo oo Roma ka tirsan. (Corriere dello Sport) Newcastle ayaa Everton 45...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.