Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la sheegay in ay wad-hadallo rasmi ah la bilaabayso xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo ay suurtogal tahay inuu xagaaga yimaaddo Santiago Bernabeu, kaddib markii ay saxeexiisa ku guul-darraysteen bishii May oo uu qandaraas saddex sannadood ah u saxeexay PSG iyadoo la filayay inuu si xor ah uga tago Parc des Princes.
Mbappe oo qandaraaska uu kula jiro PSG uu soconayo illaa sannadka 2025, ayaa la sheegay in uu doonayo inuu iskaga tago kooxdiisa oo aanu dhamaysanin qandaraaskaas.
Sababta uu laacibkani uga tegayo Paris Saint-Germain ayaa la sheegay in uu dareensan yahay in la khiyaameeyey oo aanay kooxdu fulinin waxyaabihii ay isku ogaayeen xilligii uu heshiiska cusub saxeexayay, taas darteedna uu kaga aargoosanayo inuu ku qasbo inay iibiyaan.
Wargeyska The Athletic ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa sheegay in laacibkani aanu ku faraxsanayn sii joogista koox uu niyad ahaan dareensan yahay in ay khiyaameeyeen, isla markaana u ciyaarayaan xiddigihii uu marka horeba diiddanaa inay qolka labbiska wadaagaan, gaar ahaan Neymar Jr oo ay ka dhaxayso xurguf hoose.
The Athletic waxa uu intaa ku daray, in inkasta oo ay adag tahay in Real Madrid ay buuxin karto shuruudda lacagta waallida ah ee ay PSG dalban doonto haddii uu Mbappe ku cadaadiyo in la iibiyo, in haddana ay bilaabmayaan wada-hadallo u dhexeeya ciyaartoygan iyo kooxdiisa.
Dhinaca kale, Real Madrid ayaa la sheegay inay doonayso inay dib ula soo wareegto difaaca midig ee reer Morocco ee Achraf Hakimi oo ah saaxiibka ugu dhow ee Kylian Mbappe uu ku haysto PSG.