Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa la sheegay inuu saddex shuruudood ku xidhay kooxdiisa PSG, kuwaas oo uu doonayo inay u fuliyaan haddii ay doonayaan in uu sii joogo, haddii kalena uu ka tegi doono xagaaga soo socda.
Mbappe oo heshiis cusub oo saddex sannadood ah u saxeexay PSG bishii May ayaa la sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo uu saluugsan yahay oo ku qasbi karaya inuu beddelo go’aankiisii ahaa in uu sii joogayo kooxda labada xilli ciyaareed ee dambe.
Saddex shuruudood ayuu Mbappe u gudbiyey Nasser Al-Khelaifi markii uu kasoo laabtaya Koobka Adduunka, kuwaas oo uu dalbaday in loo hirgeliyo haddii ay kooxdu in uun doonayso inuu sii joogo Parc des Princes.
Wargeyska Le Parien ee kasoo baxa Faransiiska ayaa sheegay in Mbappe uu ka fiirsanayo inuu sii joogo kooxda iyo in kale, sababtuna ay tahay in uu dareemayo farxad la’aan iyo jawi aan ku habboonayn inkasta oo uu dhaliyey goolal badana xilli ciyaareedkan.
Laacibkan ayaa la sheegay inuu dareemayo in ay kooxdiisu khiyaamaysay oo ay ka baxday ballamihii ay wada galeen xilligii uu saxeexayay heshiiska cusub ee soconaya illaa sannadka 2025.
Saddexda shuruudood ee waaweyn ee uu Mbappe gudbiyey ayay adag tahay in waqtigan ay kooxdu fuliso, waxaanay midd koowaad tahay in kooxda laga diro xiddiga Brazil ee Neymar oo la sheegay in xidhiidhkoodu aanu fiicnayn, isla markaana uga janjeedho dhinaca Lionel Messi.
Neymar iyo Mbappe ayaa hore iskugu dhacay bishii August oo ay rikoodhe isku qabsadeen kulan ay 5-2 ku garaaceen Montpellier.
Shuruudda labaad ayaa ah in kooxda uu yimaaddo tababare Zinedine Zidane oo la eryo macallinka dhowaanta la magacaabay ee Christophe Galtier, halka dalabkiisa saddexaadna yahay in PSG ay la saxeexato weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane.